4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Wasiirka Diinta oo sheegay in Somalia ay istaahisho inay la jaan-qaado Dunida

Axad, September 21, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaare-ku-xigeenka, ahna wasiirka diinta iyo owqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta shacabka Soomaaliyeed u diray farriin ku aaddan sannad-guurada 30-aad ee maalinta caalamiga ah ee nabadda.

Mudane Ridwaan ayaa tilmaamayay in maalintan ay dadka Soomaaliyeed iyo dhammaan shucuubta adduunka xusuusinayso qiimaha ay leedahay nabadda iyo sida ay darruuri ugu tahay nolosha aadanaha iyo horumarka la hig-sanayo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare-ku-xigeenka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay nabadda qaataan oo ay ka waantoobaan dagaallada dalkooda ragaadiyay, isagoo dalbaday in meel looga soo wada jeensado kuwa diidan nabadda, horumarka iyo dawladnimada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in xukuumadda uu gar-wadeenka ka yahay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ay dadaal kasta iyo qiima walba ku bixinayso sidii loo xaqiijin lahaa nabad dhameystiran oo uu dalku gaaro, isagoo ku guubaabiyay dalkiisa inay qaatan kaalinta kaga aaddan halgankan si loo xaqiijiyo himilooyinka qaran ee ummadda Soomaaliyeed iyo waxay dadkeenu is-taahilaan.

Ridwaan ayaa sheegay in golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey uu sannadkii 1981-dii maalintan nabadda adduunka, isla-markaana ay ka tur-jumeyso mabdda nabadda, iyadoo hal-ku-dhigga sanadkana uu yahay “Xaqa ay Dadku u leeyihiin Nabadda”.

“Dadka Soomaaliyeed waxay soo mareen sanooyin badan oo ay ragaadiyeen colaado iyo dhibaaooyin ka dhashay, colaadaha Somalia waxay dalkeenna iyo dadkeenna ugu kaceen qiimo naf iyo maalba leh. Somalia iyo dadkeedu waxay ka soo daaleen dagaalada sokeeye, waxana maanta la joogaa xilligii la garawsan lahaa inaan qorigu shaqaynayn ee nabad iyo wadahadal xal lagu raadin lahaa,” ayuu yiri Ridwaan.

Wuxuu wasiirku intaas ku daray. “Qarankeenna wuxuu istaahilaa nabad, horumar iyo inuu la jaan-qaado adduunka horumarka samaynaya. Dadka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inay fahmaan in nabaddu ay asaas u tahay horumarka uu aadanuhu sameeyo.”

Ugu dambeyn, wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay: “Waxaan maalintan ugu hambalyeynayaa shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel iyo dhamaan shucuubta adduunka iyo kuwa inagu garab-taagan sidii aynu nabad ugu soo dabbaali lahayn qarankeenna."

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya