4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
SANBALOOLSHE: Xil ka qaadisteydu waxay ahayd mid siyaasad salka ku haysa

Axad, September 21, 2014 (HOL) — Agaasimihii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa markii u horreysay ka hadlay sababihii xilka looga qaaday, isagoo sheegay in dhexda uu kaasoo galay dagaal siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda dowladda.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in go’aankaas xilka looga qaaday uu ahaa mid aan laga fiirsan oo sal-fududeydnimo ku yimid, isla markaana uu ahaa mid siyaasad salka ku haya.

“Runtii xil ka qaadisteyda waxay ahayd in beer-laxawsi looga raadsanayay baarlamaanka, waxaa dhexda kasoo galay dagaal siyaasadeed oo madaxda sare ee dalka, waxaana ahaa go’aan siyaasadeed, aniga waxaa is lahaa cabsi ayay ku saleysnayd, waayo waxay is lahaayeen qaarkood ninkan haddaanan iska qaban annaga ayuu na xirayaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo VOA-da siiyay wareysi.

Dhanka kale, su’aal ku saabsanayd howlgalladii ka dhacay Muqdisho intii uu xilka hayay, gaar ahaan dhinaca hub ka dhigista ayuu kaga jawaabay in 24-kii sano ee Soomaaliya ay isku dilayeen hub, haddii aan hubka la dhigin aan nabad la heli karin.

“Muqdisho 24-sano ah ayaa la isku dilayay… ma ahayn waxa lagu dirirayay middiyo iyo warammo, waxa lagu dagaalamayay wuxuu ahaa hub, ninka Al-shabaabka ah iyo askariga tuutaha watay ee magaalada dhex-marayay lama kala aqoon. Madaxtooyada, baarlamaanka iyo maxkamadda wixii lagu weeraray hub, qof kasta la dilayay, waxaa lagu dilayayna wuxuu ahaa hub, meel kasta oo ka mid ah halbowlayaasha dowladda waxaa lagu weerarayay hub ayay ahaayeen, marka hubku waa caqbadda ugu weyn ee dhibaatada dalkan horseedka u ah, marka waa in wax laga qabto” ayuu Sanbaloolshe yiri.

Sidoo kale, mar la weydiiyay intii uu xilka hayay inuu saxaafadda caburiyay ayuu kaga jawaabay in go’aankiisaas uu ahaa mid saxan, isagoo yiri: “Aniga waxaa ku talinayaa in saxaafadda si adag loo xakameeyo, waa hubka kaliya ee Al-shabaab ay u adeegsato baahinta dacaayadahooda, iyagoo xilli walba sii daaya codka Sheekh Cali Dheere iyo kuwa kale ee la midka ah. Waayo saxaafaddu waxay codkooda gaarsiin karaan dhammaan dunida. Marka haddii aan tallaabo adag laga qaadin waxay horseed u noqon karaan burbur kale oo dalka ku yimaada.”

Gabgabadii wuxuu beeniyay inuu ku lug lahaa xariga mudane baarlamaanka ka tirsan, uuna si kama’a ah ku dhacay, isaguna uu amaray in la sii daayo, balse tani ay ka mid tahay sababtii loogu soo gabbaday in xilka laga qaaday.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya