4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Col. C/raxmaan Tuur-yare oo Maanta loo magacaabay taliyaha Nabadsugidda


Axad, September 21, 2014 (HOL) — Golaha wasiirada xukuumadda Somalia ayaa taiyaha ciidamada nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka u magacaabay Col. C/raxmaan Maxamuud Tuur-yare, kaddib markii madaxweyne Xasan uu shalay aqbalay xil ka qaadistii agaasimihii hore ee nabadsugidda Qaranka, C/llaahi Sanbaloolshe.

Kulan golaha wasiirradu ay yeesheen maanta oo ahaa mid aan caadi ahayn ayay Tuur-yare waxay kazoo dhex-saareen xubno u sharaxnaa xilkaas, hase ahaatee uu ahaa ninka aadka ugu dhawaa in xilkan loo magacaabo.

Wasiir-ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya, Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa kaddib markii uu soo dhamaaday shirka golaha wasiirrada wuxuu la hadlay saxaafadda, isagoo sheegay in goluhu isku raacay magcaabidda taliyaha ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka.

“Golaha wasiiradu waxay isku raacay magcaabidada taliyaha taliyaha nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka oo loo magcaabay, Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, ayuu yiri Colaad oo shirka kaddib la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu hadalkiisa ku daray. “Waxaa xusid mudan in magacii agaasimaha hay’adda meesha laga saaray laguna bedelay taliyaha ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka, magacaas ayaana loogu yeeri doonaa. Goluhu wuxuu u rajaynayaa taliyaha cusub inuu u guto shaqadiisa si hufan oo daacadnimo iyo waddaniyadii ku jirto.

Ugu dambeyn, golaha wasiirradu waxay kulankooda maanta oo ahaa mid aan caadi ahayn ay uga doodeen amniga qaranka iyo hidise sharciyeedka Biyaha dalka.

Hay’adda nabadsugidda Qaranka ayaa waxay sannadkan oo keliya maraysaa saddex taliye, iyadoo Sanbaloolshe uu noqonayo agaasimihii ugu waqtiga yaraa ee abid soo mara hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya