4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 21, 2014
Rasaas Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Axad, September 21, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga maqlay rasaas culus maqribnimadii xalay, iyadoo rasaastu ay ahayd mid muddo daqiiqado ah socatay, is-rasaaseyntan ayaa waxay dhex-martey qaar ka tirsan ciidanka booliiska iyo ilaalo aroos wadday oo waddada marayay.

Goobta rasaastu ka dhacaysay ayaa waxay ahayd bar koontarool oo ay joogeen ciidamada Booliska Baydhabo. Is-rasaaseyntaas ayaa waxaa ku dhaawacmay lix qofood oo shacab ah, iyadoo uu mid ka mid ah dadkaas dhintay, iyadoo ruuxa dhintay uu ahaa nin safar ah oo u socday gobolka Gedo.

Tan kale arrintaas ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow iyo taliyaha qaybta booliiska ee gobolka, Col. Mahad Cabdiraxmaan, iyagoo sheegay in arrintan laga dhigin qabiil, balse ay tahay qalad dhacay.

Ciidamada amniga ayaa Baydhabo ka wada baaritaanno ku saabsan wixii keenay in iska-horimaadka kooban uu dhaco, iyadoo mas’uuliyiinta ay soo jeediyay inaan la sameynin aar-gudasho labada dhinac ah.

Dhinaca kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shirweyne lagu sameynayo maamul sedex gobol ah, taasoo ay ka biyo-diidan yihiin maamulka lixda gobol ka kooban.

Maamulka lixda gobol ayaa maanta ku dhawaaqay banaabax ballaaran inuu dhici doono maalinta berito ah.

Hiiraan Online, Baydhabo