4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2014
Amniga dalka Kenya oo aad loo adkeeyey sanad kadib weerarkii Westgate Mall

Axad, September 21, 2014 (HOL)—Ammaanka dalka Kenya ayaa si weyn loo adkeeyey maanta oo ay ku beegan tahay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Ururka Al-shabaab uu weeraray dhismihii ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Taliyaha booliska Kenya David Kimaiyo, ayaa sheegay in heegan la geliyey dhammaan laamaha booliska ee gobollada, aadna loo adkeyn doono ammaanka magaalooyinka waaweyn ee muhiimka ah maadaama cabsi laga qabo weerarro horleh oo lamid ah kii lagu soo qaaday Westgate Mall.

Gobolka waqooyi bari Kenya oo Soomaaliya xuduud la leh ayuu Kimaiyo sheegay in si gaar ah isha loogu hayn doono, gaar ahaan magaalada Gaarisa oo boolisku howlgallo dheeri ah oo ammaanka lagu sugayo ka samaynayaan.

Si taas lamid ah waxaa loo adkeeyey ammaanka magaala xeebeedka loo dalxiiska tago ee Mombasa. Taliyaha booliska Mombasa  Robert Kitu ayaa wakaaladda wararka shiinaha ee Xinhua u sheegay in ammaanku uu sugan yahay ciidamaduna ay heegan sare ku jiraan.

Sanad kahor ayey ahayd markii dagaalyahanno ku hubeysan qoryaha darandoorriga u dhaca iyo walxaha qarxaa ay gudaha u galeen Westgate Mall oo ahaa goob laga dukaamaysto oo inta badan ajaanibta iyo dadka Kenyanka ah ee ladani ay wax ka iibsan jireen.

Dagaal socdey muddo afar maalmood ah ayaa dhex maray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya iyo kooxdii dhismaha qabsatay oo iyagu tobanaan qof gudaha xarunta ku dhex haystey.

Sept 24, 2013 ayuu soo gaba gaboobay  weerarku kaddib markii ay dhinteen 67 qof oo afar kamid ahi ay ahaayeen kuwii weerarka soo qaaday, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwani soo gaareen in ka badan 170 qof.

Dalka kenya oo ay kumannaan askari Soomaaliya ka joogaan, waxaa laga soo bilaabo sanadkii 2011 -markaas oo cutubyo militeriga Kenya ka tirsani xadka ka soo tallaabeen- ka dhacayey weerarro qaar badan oo kamid ahaa Ururka Al-shabaab uu mas'uuliyaddiisa sheegtay.

Xigasho: Wakaaladda Xinhua

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya