4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 21, 2014
Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay bulshada in nabadgelyada la xoojiyo


Axad, September 21, 2014 (HOL)— Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u diray bulshada Puntland baaq ku aadan Maalinta Nabadgelyada Dunida oo sanad kasta maata oo kale [September 21] caalamka oo dhan laga xuso.  

Gaas ayaa ku baaqay in ilaalinta nabadgelyada xil weyn layska saaro meelna looga soo wada jeesto cid kasta oo ammaanka iyo xasilloonida khatar gelin karta maadaama nabadgelyo la'aantu ay la micne tahay nolol iyo horumar la'aan.  

Ururada bulshada rayidka ah ee Puntlad ayuu ugu baaqay inay xusaan maalintan, dadweynahana ay si fiican u wacyi geliyaan iyagoo aan ku kacayn wax liddi ku ah shareecada, qawaaniinta dalka u degen iyo dhaqankaba.  

"markaan derisnay mudnaanta nabadda iyo nabad ilaalinta lagu siiyey diinta Islaamka, markaan arkay in umaddeenu rajo weyn ka qabto nabadda...ayaa anigoo ah Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas kuna hadlaya magaca  umadda reer Puntland waxan halkan ku cadaynayaa in taariikhda 21-ka
September ay Puntland ka tahay Maalinta Nabadda Aduunka" Madaxweynaha Puntland ayaa sidaas yiri.  

Ammaanka deegaanada Puntland ayaa sanadkan aad u wanaagsan, inkastoo cabsi aad u xooggan laga qabo in xoogag hor leh oo Al-shabaab ka tirsani ay dhinaca Puntland usoo gudboon, taasoo keentay in Puntland ay ammaanka xuduudaha ay la leedahay gobollada kale si weyn u adkeyso.  

Sanadkii 1982 ayey Qaramada Midoobay u aqoonsatay 21-da September Maalinta Caalamiga ah ee Nabadgelyada, iyadoo ujeedada taas laga lahaana ay ahayd sidii loo dardargelin lahaa nabadgelyada dadkana loo tusi lahaa qiimaha ay nabaddu leedahay. 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya