4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2014
QOORSHEEL: "Dhaawaca Inj. Cali Madoobe waa mid fudud wuuna fiican yahay"


Sabti, September 20, 2014 (HOL) — Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya, Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel) ayaa sheegay in xaaladda maareeyihii hay’adda duulista iyo saadaasha Hawada Inj. Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe) oo saakay la dhaawacay ay wanaagsan tahay, dhaawaca gaarayna uu yahay mid fudud.

Inj. Cali Madoobe ayaa lagu daweynayaa isbitaalka ay AMISOM ku leedahay Xalane oo ah xaruntooda Muqdisho, iyadoo maareeyaha gacan iyo qayb ka mid ah jirkiisa oo ay rasaastu kaga dhacday qalliin looga sameeyay.

“Agaasimaha hay’adda duulista iyo saadaasha hawada, Inj. Cali Madoobe saaka aroortii ayaa la isku dayay in la dilo, balse wuuu ka badbaaday waana dhaawac fudud dhaawaca soo gaaray. Gacanta bidix ayay rasaastu kaga dhacday, sidiisa kale waa fiican yahay,” ayuu yiri Saciid Qoorsheel.

Kooxaha hubeysan oo gaari wadatay ayaa saaka 8:00 subaxnimo isagoo u socda shaqadiisa ku weeraray gaari uu saarnaa maareeyaha Isgoyska Dan-wadaagta ee degmada Wadajir, iyadoo weerarka lagu dilay darawalkiisa iyo askari ilaalo u ahaa.

Sidoo kale dableyda ayaa dhaawac u geystay maareeyaha ka hor intii aysan baxsan, iyadoo aysan jirin illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka maareeyaha duulista iyo saadaasha hawada garoonka Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed C/lle Afrax oo ka hadlay weerarka ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii weerarka ka dambeeyay, isagoo xusay inay heleen raadadka dad ay ku tuhmayaan in ay ku lug leeyihiin weerarka lagu qaaday maareeyaha.

“Howlgallada lagu baadi-goobayo kooxihii weerarkan fuliyay waxay ka socdaan degmada Wadajir iyo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho halkaasoo la sheegay inay kooxihii ka dambeeyay weerarka ku baxsadeen,” ayuu hadalkiisa ku daray guddoomiyaha degmada Wadajir.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo lala beegsado mid ka mid ah saraakiisha hay’adaha dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay ka billaabeen Muqdisho ciidamada dowladda howlgallada ay dadka hubka kaga dhigayaan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya