4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2014
Madaxweynaha Somalia oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay Baarlamaanka


Sabti, September 20, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhigii shanaad ee golaha baarlamaanka Somalia, isagoo xusay inaysan jiri doonin wax muddo kororsi ah sannadka 2016-ka, ayna ka go'an tahay in dalka ay doorsho xor ah ka dhacdo.

Furitaanka kal-fadhigan ayaa waxaa joogay inta badan xildhibaannada golaha baarlamaanka, iyadoo ammaanka baarlamaanka iyo waddooyinka soo gala si aad ah loo adkeeyay, iyadoo loo diiday gaadiidka iyo kuwa ciidamadu inay maraan jidadkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo hadal ka jeediyay baarlamaanka ayaa sheegay in kal-fadhigan uu ka duwanaan doono kuwii hore isla markaana la horkeeni doono baarlamaanka hindis-sharciyeedyo fara badan.

"Kalfadhigan waa ka duwanaan doonaa kuwii hore, waxaana joognaa kala bartii xilligii aan halkan fadhin lahayn. Howlo badan ayaa na sugaya, waana inaan dhammaanteed dadaallo dheeraad ah muujinnaa," ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Jawaari ayaa xusay in sharciga la horkeeni doono baarlamaanka inta uu socdo kal-fadhigan ay ka mid yihiin; sharciga xuduudaha iyo federaaleyta dalka, sharciga axsaabta siyaasadeed ee madaxa-bannaan, sharciga lagu dhisayo maxkamadda dastuurka, sharciga guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa, sharciga xakameynta hubka, sharciga la-dagaalanka argagaxisada, sharciga maalgashiga shisheeyaha, sharciga hanti-dhowrka guud, sharciga waxbarashada iyo sharciga isgaarsiinta.

Intaa kaddib waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyay madaxweyne Xasan oo waxyaabihii uu ka hadlay ay ka mid ahaayeen dacwadda dhinaca badda ah ee Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda ICJ, isgaoo tallaabdaas ku tilmaamay mid ay kaga hotagayaan in shisheeyuhu soo fara-geliyaan xuduudaha badda iyo barriga Soomaaliya.

“Waxaad la socotaan in dhawaan ay dowladda Somalia dacwad u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda si loo xaqiijiyo in badda Soomaaliya ay ka dhowr-soonaato sheegasho iyo faragelin shisheeye. Taasi macnaheedu ma ahan colaad ee waa in la xaqiijiyo jiritaanka qaranimada dalkeenna. Waxaan kaloo dacwad ka gudbinnay shirkado shisheeye oo si sharci-darro ah howlo uga wada badaha Soomaaliya. Difaaca badda Soomaaliya wuxuu ugu horreeyaa waajibaadkii Qaran ee aan magaca Ilaahay ugu dhaarannay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa si kooban uga hadlay qorshaha higsiga cusub ee sannadka 2016-ka, isagoo yiri. “Hal sano ayaa laga joogaa markii aan ku dhawaaqnay higsiga ah in 2016-ka ay Soomaaliya ka dhacaan doorashooyin, waxaana ku celinayaa in sannad kaddib ay beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed arki doonaan in si dhab ah loo jeexay waddadii lagu gaari lahaa higsiga cusub. Sannadka 2016-ka ma jiri doonto muddo kororsi iyo madax iyo mas’uuliyiin lagu keenay xulid iyo wixii la mid ah.”

Sidoo kale, madaxweynaha oo ka hadlay shacabka Soomaaliyeed iyo marxaladihii ay soo mareen ayaa yiri. “Shacabka Soomaaliyeed waxaan qirayaa inay yihiin shacab adkeysi badan oo u soo dul-qaatay marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, dibna uguma laaban doonno marxaladihii aan kasoo gudubnay,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray. “Waxaan shacabka Soomaaliyeed leeyahay maanta codka idinka ayaa iska leh, laba mid ayaadna noqon doontaa, inaad noqotaan kuwii lagu tirin tilmaami sifooyinka xun-xun oo ay ka mid yihiin; qoxootinimada iyo burcadnimada ama inaad noqotaan shacab waddo cad u jeexa mustaqbalkooda oo hanta danihiisa si jiilka soo koraya ay dalka u jeclaadaan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa daba-dhigay.

Xasan Sheekh ayaa beesha calaamka weydiistay inay sii wadaan is-garabtaagga Somalia, isgaoo sheegay inuu caalamka u caddeynayo in Somalia ay noqonayso dal firifircoon oo kaalin ka qaadanaysa ilaalinta nabadda caalamka.

“Marxaladda cusub ee maanta u dhalatay Somalia waa mid mudan In la siiyo muhiimad gaar ah, labadii sano ee lasoo dhaafay waan diyaargarownay, laba soo socotana waxaan sii dhaqaajin doonnaa inaan dalkan gaarsiinno meesha aan la doonayno,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha.

Dhanka kale, baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanku uu ka qaatay kaalin firfircoon howlihii dowladda ku qabsoomay labadii sano ee lasoo dhaafay, isagoo ugu ham-balyeeyay howl-gudasha wanaagsan iyo sida ay uga soo baxeen xilkooda.

“Maanta Soomaaliya waxay tusaale caalami ah u tahay dalalka calaamka ee dhibaatada soo maray. Waxayna u muuqataa dal ku socda jidkii guusha, wuuna guuleysanayaa,” ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo hadal-qaaday kooxaha uu ugu yeeray argagaxisada caalamiga; isagoo sheegay inay maanta sii ballaaranayaan, taas bedelkeedana ay Soomaaliya kusii yaraanayaan, isagoo xusay in taasi ay ku timid iskaashiga shacabka iyo dowladda Somalia.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya