4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2014
Maxkamadda ICJ oo Billaabaysa Dhagaysiga Dawcaddii Badda ee Soomaaliya

Sabti, September 20, 2014 (HOL) — Maxkamada danbiyada caalamiga ah ee (ICJ) ayaa lagu wadaa in ay dhagaysato dacwadaha khilaafka ah ee ka dhax-taagan dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku aadan muranka xadaha badda ee labada dhinac ka dhex jira.

"Dhagaysiga dacwaddan waxa ay bilaaban doontaa asbuuca danbe ,waxaa jira qareenno heer caalami ah oo Somaliya ka caawin doona arintan," ayuu yiri Cabdi Xasan oo ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda dowladda Somalia.

Waxaa masuulkan u tilmaamay in dowladda ay ka go'antahay sidii ay u difaacan lahayd xadkan lagu muran-sanyahay oo khilaafka ka taagan uu sii kordhayay bilihii la soo dhaafay,iyadoo dacwadda arintan la dhigay maxkamado ICJ ku jirto.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Kenya General Githu Muigai ayaa sheegay in maalmo ka hor uu la shiray guddi khuburo ah oo qareenno u badan, kuwaas oo Kenya u doodi doona, isla markaana difaaci doona.

Arimahan ayaa  imaanaya ,iyadoo madaxweynayaasha Somaliya iyo Kenya lagu wado in dhawaan ay ku kulmaan magaalada New yorka, waxaana Qaramada Midoobay ay qorshaynaysaa in labada masuul ay xal siyaasadeed kala dhex-dhigto inta ay jogan USA.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]