4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2014
Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo xabsiga laga daayay


Sabti, September 20, 2014 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Axmed Daaci) ayaa laga sii daayay xabsi ay nabadsugidda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, halkasoo uu ku xirnaa muddo bil iyo dhowr casho ah.

Axmed Xasan ayaa la xiray bishii hore, kaddib markii malleeshiyo daacad u ah ay dagaal la galeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo qorsheynayay inay gurigiisa hub ka baaraan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Axmed Daaci oo la damacsanaa in mar hore la sii daayo uu ka dhaga adeygay soo-jeedin ahayd in hubka uu haysto uu ku wareejiyo dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn inuu aqbalay in uu hubka ku wareejiyo dowladda iyo in kale.

Dagaalkii dhexmaray malleeshiyada guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir iyo ciidamada dowladda oo kaashanaya AMISOM ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo lasoo bandhigay hub la sheegay in laga soo qabtay guriga guddoomiyihii hore ee Wadajir.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaliya ayaan weli ka hadlin sii daynta Axmed Daaci, sidoo kalena weli mas’uulkan kama uusan hadlin xabsiga laga sii daayay iyo sababa loo sii daayay intaba.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horay u go’aamisay inay hubka ka dhigayso shacabka Soomaaliyeed, iyadoo tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Axmed Daaci iyo ciidamada dowladda dhexmaray aysan jirin wax hub ka dhigis ah oo Muqdisho laga sameeyay.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya