4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2014
Kooxo Hubeysan oo Dhaawacay Maareeyaha Duulista iyo Saadaasha Hawada

Sabti, September 20, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan oo watay gaari ayaa saakay weerar ku qaaday gaari uu watay maareeyaha hay'adda duulista iyo saaadaasha hawada garoonka diyaaradaha Muqdisho, Inj. Cali Maxamed Ibraahim (Cali Madoobe), iyadoo isla weerarka lagu dilay darawalkiisii iyo askari ilaalo u ahaa, isagana uu gaaray dhaawac.

Weerarkan oo ka dhacay isgoyska Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir ayaa ahaa mid si gaadmo ah ku dhacay, iyagoo kooxaha weerarka geystay ay markiiba goobta ka baxsadeen, iyadoo dhaawaca maareeyahana loo qaaday isbitaallada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid si kadis ah ku dhacay, ayna kooxaha hubeysn oo watay gaari NOAH ah ay rasaas oodda-kaga-qaadeen fureen gaariga Inj. Cali Madoobe uuna maareeyaha soo gaaray dhaawac.

Labada ruux ee ku dhintay weerarkan ayaa la sheegay inay ahaayeen darawalkii gaariga iyo askari ilaalinayay maareeyaha garoonka, iyadoo xaaladda maareeyaha la sheegay inay aad u wanaagsan tahay.

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya, Siciid Qorsheel ayaa u xaqiijiyay warbaahinta weerarka lagu qaaday maareeyaha, isagoo sheegay inuu dhaawac soo gaaray, balse ay dad ilaaladiisa ka mid ah ku dhinteen weerarka.

Dowladdu si rasmi ah uga hadlin weerarkan. iyadoo sidoo kalena aysan jirin koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, laakiinse weerarrada noocan oo kale ah oo ay geysayaan ragga hubeysan ee gaadiidka wata ayaa waxaa inta badan sheegata mas’uuliyadooda Xarakada Al-shabaab.

Wixii warar ah ee kusoo kordha weerarkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii ALLE idmo.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya