4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 20, 2014
Kal-fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Somalia oo maanta ka Furmaya Muqdisho


Sabti, September 20, 2014 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo kal-fadhigii shanaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, kaddib fasax laba bilood ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen; waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho iyo waddooyinka gala golaha baarlamaanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa furi doona madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh waxaana uu ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadlayo waxqabadka labadii sano ee xukuumadda iyo howlaha horyaalla labada sano ee u hartay, iyadoo furitaanka kaddib ay xildhibaannadu ka doodi doonaan ajanadayaasha hor=yaalla.

Furitaanka kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ahayd in uu furmo 10-kii bishan, balse waxaa dib u dhigay afhayeenka baarlamaanka howlo shaqo u jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

“Waxaan maanta u ballansannahay furitaanka kalfadhigii shanaad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, sida nagula soo wargeliyay 20-ka September oo maanta ah ayuu furmayaa, waxaa rajeyneynaa inuu si nabadgalyo ah noogu bilowdo. Howlo fara badan ayaana na horyaalla” sidaas waxaa yiri xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

Kalfadhigan ayaa ka duwanaan doona kuwii hore, maadaama ay horyaallaan xildhibaanada ajandayaal badan oo u baahan ansixin ka hor inta uusan dhammaan sannadkan 2014-ka.

Inkastoo xildhiabannadu ay rajo ka qabaan in amniga xarunta la adkeeyo ayaa haddana waxaa dhowr jeer oo hore weerarro la beegsaday xoogag ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya