4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
AMISOM oo ka Hadashay Geerida wiil uu Muqdisho ku jiiray Gaari ay leeyihiin

Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay in ay si aad ah uga xun yihiin geerida wiil yar oo shalay uu mid ka mid ah gaadiidkooda dagaalka uu ku jiiiray degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, iyagoo sheegay inuusan ahayn dilkaas mid ula kac ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay inay ka xun yihiin geerida wiilkaas yar, isla markaana ay baaritaan ku sameyn doonaan sida uu shilkaas u dhacay.

“Waxaan u diraynaa qoskii uu ka geeriyooday wiilka yar, waxaana si deg-deg ah baaritaan ugu sameyn doonnaa shilka sida uu ku dhacay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya dowladda federaalka Soomaaliya ay ka hadli doonaan lacag mag ah oo ay siinayaan qoyska wiilku ka baxay.

Falkan ayaan wuxuu ka mid noqonayaa falal ay gaadiidka dagaalka ee ciidamada AMISOM horay ugu geysteen Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiireen dad shacab ah oo isugu jiray kuwo waaweyn iyo carruur, iyadoo shilkan uu sababay dibadbaxyo ay qaar ka mid ah shacabka degmadaas ku nool sameeyeen.

Hadalka AMISOM ayaa imaanaya iyadoo guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Yaasiin Nuur uu sheegay in AMISOM looga baahan yahay inay ka hadasho shilka ay gaadiidkooda ku jiireen wiilka yar oo dhowr iyo toban jir ahaa, ayna ka digtoonaadaan inay degmada soo dhexmaraan iyagoo aan ka hadlin.

Aabbaha dhalay wiilka yar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wiilka uu ahaa 14-jir, uuna ka yimid marka uu shilku qabsanayo dukaan uu alaab uga dirsaday, balse ay si lama filaan ah ku jiireen gaadiidka AMISOM.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya