4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Oslo kula Kulmay Dhiggiisa Waddanka Norway


Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirka Warfaafinta, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo booqasho ku tagay dalka Norway ayaa magaalada Oslo kulan dheer kula yeesheen maanta ra’iisul wasaaraha dalka Norway, Erna Solberg iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada dalkaas, iyagoo kawada hadlay xiriirka u dhexeeya labada dal iyo taageerada Norway ee dib-u-dhiska Soomaaliya.

Mudane C/weli Sheekh ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo dalka Norway taageerada ay u fidiso dawladda Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu ka mahad-celiyay soo dhoweynta ay u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas oo tiradooda lagu qiyaaso 40,000 oo qof.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay sida dowladda Norway ay xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysto dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Labada ra’iisul wasaare ayaa isla soo qaaday taageerada dhinacyada waxbarashada, gar-gaarka bani’aadanimo, shaqo-abuurka iyo in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u maamulan lahayd khayraadka dalkeeda.

“Xiriirka labada dowladood waa mid aad u xooggan, taageerada ay dowladda Norway u fidiso Soomaaliyana waa mid sahlaysa dib-u-dhiska dalka kaddib burburkii xoogganaa ee ku dhacay dadka iyo dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri C/weli.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intaas ku daray inuu ra’iisul wasaaraha dalka Norway kala hadlay inay gacan ka geystaan sidii dadka Soomaaliyeed ay uga faa’iideysan lahaayeen kheyraadka dalkooda iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada Soomaaliyeed, loogana hortagi lahaa in kooxaha hubeysan aysan dhallinyarada ugu isicmaali lahayn dagaallada.

“Norway waxay naga caawisaa bixinta mushaharka shaqaalaha dowladda oo iyagu ah laf-dhabarta ay dowladdu ku shaqayso, waxaa kaloo ay u heellan-yihiin inay gacan naga siiyaan maamulka maaliyadda, waxbarashada iyo tayeynta hay’adaha dowladda,” ayuu hadalkiisa ku daray C/weli Sheekh.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa la kulmay ra’iisul wasaarihii hore ee Norway Kjell Magne Bondavic iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo kawada hadlay xoojinta taageerada loo fidiyo hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya