4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Wafdi Soomaaliyeed oo Hay'adda IOM Heshiis Kula Galay Magaalada Qaahira


Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Shirweynaha Shaqaalaha Carbeed ee toddobaadkan ka socday magaalada Qaahira ee dalka Masar ayay wafdiga Soomaaliya ee shirweynaha ka qaybgalaya waxay kulan saacado socday la yeesheen madaxa u sarreeya hay'adda IOM, William Swing.

Wafdiga Somalia oo ka kooban wasiirka shaqada Inj. Luqman, agaasimaha guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliya, Cabdi Abshir Dhoorre iyo xoghayaha guud ee ururada shaqaalaha ee FESTU, Cumar Faaruuq Cusmaan.

Xubnaha wafdiga ayaa hay’adda IOM u gudbiyay fikirkooda oo qoraal ah iyo sidii loo qaabeyn lahaa wada-shaqeyn dhinaca shaqo abuurka ah, cududda iyo aqoonta ka qaxday Soomaaliya 20-kii sano ee u dambeeyay, qaabka ay aqoon-yahanka qurbaha ku nool dalkooda uga shaqayn lahaayeen, loogana faa’iidaysan lahaa khibraddooda iyo aqoontooda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa madaxa u sarreeya IOM iyo wafdiga Somalidu sheegeen inay hay’adda IOM aqbashay wada-shaqeyn Soomaaliya iyo IOM dhexmarta, isla markaana loogu bedeli lahaa wada-shaqeyntaas waxqabad dhaqso ah.

Ugu dambeyn, dhammaadka kulanka ayaa laga sheegay in IOM laga sugayo dhawaan inay soo gudbiso jawaabta qaabeynta wada-shaqeynta Somalia iyo hay’adda dhexmari doonta.


Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya