4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Deeq-bixiyeyaasha oo taageero u ballanqaaday dhismaha ciidamada Somalia


Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Dalalka deeqaha bixiya ayaa taageero lacageed ugu deeqay ciidamada dowladda Somalia, si loo tayeeyo awoodda ciidamada dowladda, kaddib kulan maalin ah oo shalay ka dhacay magaalada London ee xarunta Britain.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Somalia uga qaybgalay shirkan, isagoo sheegay inuu taageerada beesha caalamka ee dib u dhiska ciidanka dowladda ay soo dhaweynayaan.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay tiro badan oo deeq-bixiyeesha caalamka ah, iyadoo shirka intii uu socday diiradda lagu saaray xoojinta iyo tayeynta ciidamada xoogga dalka ammaanka Soomaaliya sannadaha soo socda.

Waddamadii shirka ka qaybgalay ayaa isku raacay in ciidamada Soomaaliya la dhiso illaa sanadka 2019-ka, sidoo kalena la taageero howlgallada ay kula jiraan ciidamada Somalia xoogagga Al-shabaab.

Taageero dhaqaale oo gaaraysa shan milyan oo doollar ayuu Mareykanku ku deeqay si wax looga qabto baahiyaha wasaaradda gaashaandhigga Somalia iyo tan ciidamada xoogga dalka, taasoo lasoo marin doono hay’adda UNSOA.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulan la qaatay wasiirka arrimaha Afrika ee Britain, James Duddridge, isagoo kala hadlay taageerada la ballanqaaday ee ku aaddan dhismaha ciidamada xoogga dalka Somalia.

Kulanka oo ka dhacay Lancaster House ayaa waxaa ka qaybgalay wafdi ay ka mid yihiin; ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh, xubno ka socda AMISOM iyo wufuud ka socday dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Burundi, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Itoobiya. Waxaa kaloo goobjoog ka ahaa; Midowga Yurub, Talyaaniga, Turkiga, Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo mas’uul ka socda xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia.

Xubnihii shirka ka qaybgalay ayaa tilmaamay in howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya ay yihiin kuwa keliya ee lagu soo celin karo deggenaashaha iyo nabadda Somalia, iyagoo ku taliyay in la taageero howlgalkan oo loogu magac-daray Badweynta Hindiya.

Qodobbada kale ee shirka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ah in muddo kooban lagu xoojiyo ciidamada Soomaaliya si ay ugu guuleystaan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay kaga sugan tahay Somalia.

“Go’aannada shirka kasoo baxay waxaa ugu muhiimsan in ciidamada xoogga Soomaaliya dhaqaale lagu taageero illaa sannadka 2019-ka, si awooddooda loo xoojiyo, iyadoo dalalka deeqaha bixiya ay sidoo kale isku raacaan inay la yeeshaan ciidamada Somalia xiriir dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Somalia, Maxamed Sh. Xasan Xaamud.

Ugu dambeyn, wafdiga Somalia shirkan uga qaybgalay ayaa xusay inay soo dhaweynayaan taageerada lagu bixinayo dib u dhiska ciidanka dalka Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin dhaqaalaha loogu deeqay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya