4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Mudaharad Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo ka dhacay Magaalada Gabiley

Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Mudaharaad balaaran ayaa xilligan ka socdo Gabiley kaasoo lagaga soo horjeeddo dil loo geystay labaddii sarkaal ee lagu dilay magaaladda Qori-lugud ee gobolka Togdheer oo mid ka mid ahi uu kaso jeedo gobolka Gabiley.

Dadweyne cadhaysan ayaa iskugu soo baxay badhtamaha magaaladda, isla markaana kala xidhay wadooyinkii magaaladda ka baxayey, waxaana wararku sheegayaan in  illaa toddoba qof dhaawac yihiin , inkastoo aan illaa hadda si rasmiya loo cadeyn.

Xukuumadda Somaliland ayaa barqonimadii maanta u dirtay magaalada Gabiley madax ka tirsan dawladda, hase yeeshee mudaharaadku kuma joogsan ee wuu sii xoogeystay, balse xilli dambe oo manta ah ayuu soo gaba-gaboobay.

Ciidanka Amniga ayaa rasaas nool u adeegsaday dadweynihii iskugu soo baxay, waxaanay taasi keentay inay ku dhaawacmaan illaa toban ruux, iyadoo uu ku dhintay ilmo laba jir ah oo hooyadii xambaarsanayd oo la sheegay inuu gaari jiiray, hase yeeshee waxay wararku sheegayaan inay hooyadii dhaawac tahay. iyadoo dhaawacyadii oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka guud.

Xoghayaha cadaaladda xisbiga Wadani ahna wakiilka u qaabilsan gobolka Gabilay Sheekh Axmed Imaam oo mar dhowayd khadka telefoonka kula hadlay ayaa sheegay inay ciidanku rasaas xoogan isticmaalayaan isla markaana dadku aanay dibadda u bixi karin, haseyeeshee ay toddoba dhaawac ahi jiraan.

Axmed Imaam ayaa xukuumadda ugu baaqay inay deganaan badan muujiso, isla markaana aanay dadka shacabka u adeegsan rasaas.

“Sida maqlaysid waxa dhacaya rasaas badan oo ciidanku isticmaalayo, ilaa hadda cid bixi karta ma jirto dadku way cadhaysan yihiin, waxaanu mudaharaadku ka bilaabmay dad ay qaraabo yihiin sarkaalkii ciidanka Militariga ka dhintay, waxayse ahayd in si degan dadka loo joojiyo ee may ahayn in rasaas laga horgeeyo dadweynaha”ayuu yidhi xoghayaha Cadaalada ee xisbiga Wadani Axmed Imaam.

Sheekh Axmed Imaam ayaa xukuumadda ugu baaqay inay dadka sii kicinayso rasaasta nool ee ay u adeegsanayaan, maadaama oo intii ay rasaasta ridiyeen mudaharaadku sii xoogaysayey.

“Maanta barqaddii markii mudaharaadku bilaabmay dad badan may joogin, laakiin intii galinkii damabe ee rasaasta badan loo adeegsaday ayaa keentay inuu mudaharaadku sii balaadho oo dadku ka cadhoodaan rasaasta lagu ridiyo, sidaa darteed waxaan xukuumaddu ugu baaqaya inay shacabka rasaasta ka dayso”ayuu raaciyey hadalkiisa Axmed Imaam oo intii aan waraysiga ku dhex jiray  si toos ah u maqlayey rasaas badan oo dhacaysay.

Isbitaalka Gabiley oo aan la xidhiidhay ayaa ii sheegay inuu ku mashquulsan yahay dhaawaca la keenay cisbitaalka, isla markaana aanu ka hor dhici Karin inta dhaawac la keenay maadaama oo wali mudaharaadkii socdo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland