4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2014
Shacabka Scotland oo u codeeyay kasii mid ahaanshaha Boqortooyada Britain

Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Shacabka Scotland ayaa u codeeyay inay kasii mid ahaadaan boqortooyada midowday ee Britain, kaddib markii laga qaaday cod ay ku kala dooranayaan inay Britain kasii mid ahaadaan iyo inay ka go’an oo ay noqdaan dowlad gaar ah.

Natiijada codeynta kama dambeysta ah ee codeynta ayaa muujinaysa in dadka diiday in Scotland ay go’do ay heleen 55%, halka dadka taageersanaa inay go’dana ay heleen %45 oo keliya.

Wasiirka koowaad ee Scotland, Alex Salmond ayaa ugu baaqay qaybaha kale inay midoobaan, isagoo aqbalay natiijada codeynta. Isagoo ahaa xubnihii u ololeynayay inay Scotland ka go’do Britain inteeda kale.

Salmond ayaa sheegay in laga guuleystay dhiniciiisa, isla markaana uu raalli ka yahay natiijada soo baxday, waxaana tani ay noqonaysaa markii labaad oo ay shacabka Scotland u codeeyaan inay kasii mid ahaadaan UK.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Britain, David Cameron ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada codeynta, isagoo go’aanka dadka Scotland ku tilmaamay mid ay aad u soo dhaweynayaan.

Boqortooyada midowday ee Britain ayaa waxay ka kooban tahay afar gobo loo waaweyn, kuwaasoo ay u talinaysay boqortooyada Britain, balse dhowr jeer ayay Scotland dalbatay in loo qaado cod si ay uga go’do Britain ama ay uga sii mid  ahaato.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya