4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
1,000 caruur ah oo agoon ah oo dhar loogu qaybiyay Laascaanood (SAWIRRO)


Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Hay'adda Samafal Geeska Afrika ayaa 1000 carruur ah oo isugu jira gabdho iyo wiilal ugu qaybisay dhar loogu talo-galay inay kaga qayb-galaan maalinta Ciidul Adxa ee foodda nagu soo haysa.

Carruurtan oo inta badan ay yihiin xarumaha agoomaha ee magaaladda Laascaanood ka furan iyo qoysas danyar ah sida uu sheegay Sheekh C/raxmaan Axmed Cige oo madax ka ah hay’adda Geeska Africa.

Sidoo kale, C/raxmaan ayaa sheegay inay soo gaarsiisey deeqdan ururka Bisha Case ee Imaaraadka Carabta, wuxuuna intaas ku daray in hantidan uu ku deeqay Maxamed Bin Raashid Al-Maktuub.

Wuxuu intaas ku daray Sheekhu in 1,000,000 oo carruur ah oo caalamka ku kala dhaqan uu ciidsiiyay oo sida uu sheegay dhinaca Somaliland 10,000 qof ay ka heleen kuwaasoo deegaanno kala duwan ay horey uga soo qaybiyeen qaar kalena hadheen.

Ilmahan agoonta ah ayaa muujiyay inay ku faraxsan yihiin in carruurta kale ay kala qaybqaataan ciidda, iyagoo u duceeyay kii soo bixiyey iyo kuwii soo gaarsiiyayba.

Ugu dambeyn, Canab Cali Maxamuud ayaa waxay tiri waxaan helay farxad taasoo nooga soo talawaday ubadkayga oo aan rajeynayn inay ciida helaan waxay ku ciidaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool