4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Danjiraha Ururka IGAD ee Somalia oo beeniyay danaha Kenya ee Soomaaliya

Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Ergayga urur goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somaliaya danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa beeniyay wararka sheegaya in dowladda Kenya ay dano siyaasadeed ka leedahay Somalia gaar ahaan dhismaha maamulka Jubbaland.

Waxaa masuulkan u sheegay in eedaymahan aysan sal iyo raad toonna lahayn ,isla markaaana ay soo abaabuleen dad aan doonayn in dhibaatada Soomaaliya xal loo helo ,iyadoo iminka uu jiro khilaaf dhinaca xadaha badda ah oo u dhaxeeya labada ee dowladood ee Somalia iyo Kenya .

"Dadka ayaa ah kuwa doonaya in maamulkan la asaaaso IGAD-na waa ay u hambalyaynaysaa in maamulkan horey loo dhaqaajiyo," ayuu yiri Afey oo ka hadlayay furitaanka shirka dib u heshiisiinta ee ka soconaya Jubbooyinka.

Waxaa kaloo uu xusay inuu dhowr jeer oo hore la hadlay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, isla markaana uu ku qanciyay in uu hubka dhigo si uu uga qayb-noqdo dadaallada nabadeed ee ka soconaya gobollada jubboyinka oo dhan.

"Shirarkan waxaa looga gol-leeyahay in la isu keeno qabiilada dagan dhulkan xalna loo helo is aamin la'aanta ka dhex jirta waliba si sharci ah ,waxaana loo marayaa arintan wada-hadalo toos ah in ay yeeshaan"ayuu mar kale yiri masuulkan.

Ugu danbayntii Affey ayaa tilmaamay in ciidamada gobolka oo dhan ay ka mid noqon doonaan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in maamulka Jubbaland uu u baahan-yahay maal-gashi lagu samaysto hadii ay nabadda dib u soo noqoto.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]