4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Guddoomiyaha Wardhiigley oo AMISOM uga digay inay dhexmaraan degmada

Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Yaasiin Nuur Ciise ayaa ka dalbaday ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga inay xalliyaan dilka wiil yar ay gaadiidkoodu shalay ugu geysteen wiil yar oo dhowr iyo toban jir ah.

Yaasiin Nuur falkaas ku tilmaamay wax laga xumaado, isagoo intaas ku daray in ciidamada AMISOM aysan mari karin degmada haddii aysan xallin dhibaatada ay geysteen.

“Gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM ayaa jiiray wiil yar, waana fal la mid ah kuwii ay ciidamadu horay uga geysteen gudaha caasimadda. Mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha AMISOM waxaan ogeysiinaynaa in degmmada aysan mari karin ciidanka AMISOM ilaa ay wax ka yiraadaan dilka wiilka yar,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Wardhiigley.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka degmadu ay falkaas si aad ah uga caroodeen ayna dhigeen dibadbaxyo rabshado wata, wuxuuna ka digay in ciidamada AMISOM ay degmada markaan iyadoo aan xal laga gaarin dhibaatadii ay geysteen.

Aabaha dhalay wiilka yar ayaa sheegay in marka wiilkiisa ay gaadiidka AMISOM jiirayeen uu kasoo socday dukaan uu wax uga dirsaday, isagoo ka dalbaday dowladda inay arrintan fara-gelin ku sameyso.

Saraakiisha ciidamada AMISOM ayaan weli ka hadlin falka ay gaadiidkoodu ku jiireen wiilka yar, iyadoo ay horay u dhacday in gaadiidka AMISOM iyo askartoodaba ay dad rayid ah ku dilaan Muqdisho.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya