4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 19, 2014
Sarkaal sheegay in ay isku soo dhiibeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab

Jimco, September 19, 2014 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Cabdi Muumin oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay isku soo dhiibeen xubno Al-shabaab ka tirsan.

Col. Muumin ayaa sheegay in tirada ragga ka tirsanaa Al-shabaab ee isku soo dhiibay ay gaarayaan lix qof, ayna yihiin kuwo go’aansaday inay isaga haraan ka mid ahaanshaha Al-shabaab.

“Raggan waa lix qof, waxayna go’aansadeen inay Al-shabaab isaga haraan, sidaa awgeed ayay isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan,” ayuu yiri Col. Cismaan Cabdi.

Sidoo kale, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Al-shabaab ay qabteen, kaas oo uu sheegay inuu dagaal kala horyimid ciidamada, balse ay qabteen isagoo aanay waxba gaarin.

Abaanduulaha u hadlay milateriga gobolka Hiiraan ayaa intaa ku daray inay howlgallada gobolka ka soccda guulo la taaban karo kasoo gaareen, ayna hadda gacanta ku hayaan gobolka oo dhan.

“Degmooyinka uu gobolku ka kooban yahay innaga ayaa gacanta ku hayna. Al-shabaab waxay gobolka kaga sugan meelo yaryar oo miyaga ah,” ayuu ku daray hadalkiisa ku daray, isagoo xusay inay wadaan qorshayaal ay meelaha miyaga ah kaga saarayaan Al-shabaab.

Hadalka Col. Cismaan Cabdi Muumin ayaa imaanaya iyadoo ra’iisul wasaare C/weli Sheekh uu ka sheegay London in xubno ka tirsan Al-shabaab ay durba kasoo jawaaben cafiskii 45-ka maalmood ahaa ee ay dowladdu u fidisay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tirada isi soo dhiibtay ee Al-shabaab ka tirsan ku sheegay illaa soddon qof oo qaarkood ay iska dhiibeen gobolka Hiiraan, iyadoo aysan Al-shabaab aysan ka hadlin raga la sheegay inay ka goosteen.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya