4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo ka warbixiyay Shirweeynaha ka socda Kismaayo
Khamiis, Sebtember 17, 2014 (HOL) :- Gudoomiyaha gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka Mudane Cabdi Baaleey Xuseen oo wareeysi gaar ah siiyay shabakadda HOL ayaa sheegay in shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka uu marayo meel wanaagsan, isagoo xusay in ay soconayaan kulamo gooni gooni ah oo ay leeyihiin beelaha kala duwan ee ka qeybqaadanaya shirka.

Mudane Cabdi Baaleey ayaa sheegay in kulamada ay yeelanayaan beeluhu ay yihiin kuwo la doonayo in beeluhu ay kusoo wada hadlaan islamarkaana ku xaliyaan khilaafaadkooda.

"10 Hoteel ayaan u kireeynay ergada, beeluhuna kulamo ayay leeyihiin, laba labo iyo sedex sedex ayay isku arkayaan, marka ay soo heshiiyaanna shirweeyne lagu soo afjaro ayaa dhici doona," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Mar aan gudoomiyaha weeydiinnay su'aal ahayd warar sheegaya in ay jiraan beelo isaga baxay shirka ayuu yiri "Adeer wararkaasi wax ka jiro malahan, beel shirka ka baxdayna ma jirto, beeluhu kulamo gooni-gooni ayay leeyihiin, dad warxumo tashiil ayaa jiro, waana war aan sal iyo raad lahayd hadalladaasi."

Magaalada Kismaayo ayaa laga dareemayaa mashquul aad u weyn, iyadoo ergooyin ka kala yimid qurbaha, gobollada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo ay kusoo qulqulayaan magaalada Kismaayo si ay uga qeybqaataan wejigii labaad ee shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.