4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Ruux Hubeysan oo dil iyo dhaawacyo ka Geystay maanta Magaalada Gaarisa

Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa dhintay, saddex kalena dhaawacayo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib weerar uu nin hubeysan ku qaaday degmadaas saaka aroortii degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, kaasoo toogashada kaddib baxsaday.

Booliiska Gaarisa ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu watay mooto isagoo dilay hal qof saddex kalena dhaawacyo kala duwan u geystay, kuwaa oo loo qaaday isbitaalka si loo daweeyo.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Patrick Lumumba ayaa u sheegay warbaahinta inaanay weli aqoonsan ruuxa weerarka geystay, ayna wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan weerarkan iyo abaabulkiisa.

“Dhaawacyada waxay ku jiraan isbitaalka, xaaladoodana waa fiican tahay, inkastoo dhaawacyo culus ay gaareen. Ilaa hadda waxaan ognahay inuu ka dambeeyay weerarkan nin hubeysan oo mooto wata. Waxaan filaynaa inuu ka mid yahay weerarradii horay uga dhici jiray degmada ama inuu yahay mid cusub,” ayuu yiri Lumumba.

Sidoo kale, taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari Kenya ayaa hadalkiisa ku daray in xalay la dhaawacay caawiyaha gudoomiyaha Mandheera kaddib markii kooxo aan la garanayn ay bam-gacmeed ku tureen gurigiisa.

“Maxamed Ibraahim waxaa la joogtay xilliga gurigiisa la weerarayo oo 7:00 fiidnimo ahayd gabar yar oo uu dhalay oo laba sano jir ah,” ayuu mar kale yiri Lumumba oo intaas raaciyay in Ibraahim uu dhaawac halis ah gaaray, gabadhiisana uu gaaray dhaawac fudud; haatanna Isbitaalka Mandheera lagu daweynayo.

taliyaha booliiska ayaa hadalkiisa ku daray in sarkaalka rasaas lagu furay ka hor intii aan bamka dhaawaca gaarsiiyay isaga iyo gabdhiisa yar dhaawaca gaarsiiyay.

“Kooxda weerarka ka dambeeyay waxay u muuqdeen kuwo doonayay inay bartilmaameed-sadaan gaari bas ah oo guriga dhaafay, kaddibna waxay bam ku tuureen guriga mas’uulkan ka tirsan Mandheera, si kasta oo ay tahay waan baaraynaa dhacdada,” ayuu hadalkiisa dhaba dhigay Lamumba.

Dhanka kale, goobjoogayaal ku sugan degmada Wajeer ayaa sheegay inay xalay ka dhacday degmadaas toogasho, taasoo timid kaddib markii booliisku ay qabteen ruux looga shakiyay inuu hub watay. Waxaana goobjoogayaashu ay sheegeen in rasaasta kaddib uu baxsaday ruuxii la qabtay, iyagoo xusay in rasaastaas ay cabsi weyn gelisay shacabka Wajeer ku nool.

Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo deegaanno ka tirsan gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ay ka socdaan dagaal beeleedyo u dhexeeya beelaha Garre iyo Dagoodiye oo ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ee Kenya ku nool.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya