4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Kulan la yeeshay Madaxa UNOPS ee Soomaaliya


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Xarunta Puntland ee Garoowe ayaa waxaa kulan ku yeeshay maanta madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali iyo Severio Bertolino oo ah madaxa mashaariicda xafiiska hay'adda UNOPS ee Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacay madaxtooyada, waxaa sidoo kale ka qayb galay Eng. Axmed Aadan Kitaara oo isaguna ah madaxa mashaariicda xafiiska Hay'adda UNOPS ee Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo Severio Bertolino ayaa isla soo qaaday arimo ay kamid ahaayeen dardar gelinta mashruuca lagu dhisayo dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan ee magaalada Boosaaso oo dhowaan dhismaheeda la bilaabi doono.

Waxaa sidoo kale arrimaha ay ka wada hadleen kamid ahaa dayactirka jidka laamiga ah ee isku xira gobollada Puntland iyo dalka intiisa kale oo u baahan in dayactir lagu sameeyo iyo weliba sidii loo qalabeyn lahaa isbitaallada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyey shaqooyinka ay Hay'adda UNPOS ka wado Soomaaliya oo dhan gaar ahaan Puntland oo ay dhinacyo badan ka taageerto.

Severio Bertolino ayaa isna dhankiisa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu ku yimaado booqashada Puntland iyo weliba kulanka uu la qaatay Madaxweynaha oo sida uu tilmaamay ahaa mid ay go'aano wax ku ool ahi kasoo baxeen.

Saddex toddobaad ka hor ayuu madaxweynaha Puntland wuxuu sidan oo kale xarunta madaxtooyada ugu qaabilay Madaxa Xafiiska Hay’adda UNOCHA ee Soomaaliya Ms. Edem Wosornu.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online.
[email protected]
Puntland, Soomaaliya