4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Xukuumadda Soomaaliya oo si hordhac ah u soo bandhigtay tirada guud ee Shacabka Soomaaliyeed (SAWIRRO)


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu soo bandhigayay tirokoobka aan rasmiga ahayn ee shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay madaxtooyada Somalia, waxaana goobjoog ka ahaa munaasabadda ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirro, mas’uuliyiin k socday hay’adda UNFPA ee Qaramada Midoobay iyo marti sharaf kale.

Sahankan tira-koobka shacabka Soomaaliyeed oo ay sameysay wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga oo kaashanayso Qaramada Midoobay, ayay wasaaaraddu ku sheegtay in sahankan ay ku ogaadeen in tirada dadka Soomaaliyeed ay tahay 12,360-qof (Laba iyo toban milyan, saddex boqol iyo lixdan qof).

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, C/llaahi Sheekh Cali (Qaloocow) ayaa ka warbixiyay qaababkii ay sahankan ku sameeyeen iyo marxaladihii uu soo maray si loo ogaado inta ay le’eg tahay tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa hay’adda UNFPA ee Soomaaliya, Sheekh Ciise oo isaguna ka hadlay marxaladihi uu soo maray sahankan iyo muhiimadda uu leeyahay tiro-koob lagu sameeyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama aan muddo dheer laga sameyn Soomaaliya tira-koob dadweyne.

“Tira-koobkan aan soo bandhignay waa mid hordhac ah, waxaana intii aan wadnay uu soo maray marxlado kala duwan, waxaana aamisanahay in tani ay tahay hordhac wanaagsan iyo waddo loo mari karo tirakoob kale oo laga sameeyo Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Ciise.

Sidoo kale, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, Saciid C/llaahi Dani ayaa isna ka hadlay qorshaha sahanka tiro-koobka wuxuna sheegay in ay tahay tallaabo horay loo qaada oo ay dowladdu ku ogaanaso tirada saxda ah ee dadkeeda.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabada ka hadlay ku-simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ahna wasiirka diinta iyo awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed isagoo tilmaamay inuusan jiri karin horumar haddii uusan jirin tiro-koobka rasmiga ah ee bulshada Soomaaliyeed, isagoo tusaale u soo qaatay arrimaha gargaarka oo uu sheegay inay u baahan yihiin in la ogaado tirada dadka ku nool goobaha gargaarka la gaarsiinayo.

Tirakoobkan oo ah mid qabyo ah ayaa ah mid lagu tirakoobay shacabka ku nool gudaha dalka, iyadoo aan illaa hadda la tiro-koobin kuwa dibadda ku maqan, waxana mas’uuliyiinta dowladdu ay sheegeen in tiro-koob rasmi ah la sameyn doono.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya