4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Banaanbaxyo looga soo horjeedo Ciidamada AMISOM oo ka dhacay Muqdisho


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Xaafado ka mid ah degmada Wardhiigley waxaa ka dhacay gellinkii dambe ee manta bannaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeeday ciidamada AMISOM oo gaari ay wateen uu xaafadda Xararyaalle ku jiiray cunug yar.

Gaadiid kolonyo ah ay wateen ciidanka AMISOM ayaa jiiray cunugga oo ku sugnaa meel ku dhow saldhiga degmada Wardhiigley, ayna ciidamadu iska baxeen, taasoo keentay in shacabku ay billaabaan inay dhigaan dibadbaxyo ay kaga ashtakoonayaan falka ay ku kaceen ciidamadan.

Dadweynaha dibadbaxa dhigayay ayaa isugu soo baxay waddooyinka xaafadaha degmada, iyagoo ku qaylinayay ciidanka AMISOM waxay caadeysteen inay dhibaateeyaan shacabka iyo erayo kale.

Bannaanbaxayaasha ayaa gubay taayarro, sidoo kalena waxay dhagaxyo ku tuurayeen gadiidka AMISOM, waxaana dadka qaarkood u muuqdeen kuwo si aad ah uga careysan falka ay ciidamada AMISOM ku jiireen ilmahan oo wiil ahaa.

“Falkan waa mid naxdin leh, waayo ciidamada AMISOM waxay caadeysteen inay jiiraan shacabka, iyagoo aan u kala eegayn qof yar iyo qof weyn, waana taas tan aan kasoo hor-jeedno, dibadbaxyadana u dhigayno,” ayay tiri mid ka mid ah haweenka ku nool xaafadda Xararyaalle oo warbaahinta la hadashay.

Bannaabaxyda ayaa joogsaday kaddib markii maamulka degmada ay dadkii dibadbaxyada dhigayay ku qanciyeen inay inay ka daba-tagayaan  ciidanka AMSIOM ee falkaas geystay, waajibkoodana la marin doono.

Ma ahan markii ugu horreysay oo gaadiidka ciidamada AMISOM ay jidadka Muqdishoku jiiraan dad shacab ah, iyadoo dhowr jeer ay gaadiidka ciidanka Midowga Afrika ay jiireen dad badan oo shacab ah, isuguna jira carruur iyo dad waaweyn.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya