4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Ururada Indhoolayaasha ee Dalka ka jira oo Hal urur ku Midoobay (SAWIRRO)


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu qabtay hoteel Shamo ayaa waxaa lagu shaaaciyay urur ay ku midoobeen laba urur oo indhoolayaal ah oo ka jira Muqdisho, waxaana ururradan halka urur ku midoobay ay kala yihiin; ururkii Midowga Indhoolayaasha Somalia iyo ururka Indhoolayaasha Soomaaliya, kuwaasoo qaatay magaca Somali Association Blind (SAB).

Ururradan ayaa inay midoobaan timid kaddib dadaal dheer oo ay sameeyeen mas'uuliyiinta labadan urur, kuwaasoo ugu dambeyn ku heshiiyay inay sameystaan hal urur oo matala in-dhoolayaasha Soomaaliya ku nool.

Macallin Maxamed Axmed Max'uud ayaa ka sheekeeyay taarikhdii ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed ayaa xusay in 1983-kii illaa 1993-kii ay Qaramada Midoobe u aqoonsatay muddadaas tobanka sano ee naafada adduunka. Tobankaa sano ayaa la aasaasay jamciyada indhoolayaasha Soomaaliyeed, waxaana guddoomiyihii ugu horreeyay noqday, Sheekh Aadan Cali Xasan.

Xafladda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenkii ugu horeeyay ee ururka Indhoolayaasha, Col. Cumar Xuseen, iyadoo laga sheegay goobta waxyaabihii ay ku guuleysatay oo ahayd in sagaal arday oo indhoolayaal ah ay u diraan dalka Baxreyn si ay wax ugu soo bartaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka qayb qaatay dadaalladii lagu mideynayay ururradan ayaa ka sheegay munaasabadda inuu soo dhaweynayo midowga labada urur, kaasoo uu ku tilmaamay inay tahay tallaabo wanaagsan oo loo baahan yahay in la sii xoojiyo.

“Waxaan soo dhaweynayaa midowga labadan urur, waana tallaabo wanaagsan, haddii aan nahay hay’adda Hormuud Foundation waxaan gacanta ku haynaa dugsiga indhoolayaasha Al-Nuur oo ay ardayda indhaha la’ wax ku bartaan, innaga ayaana gacanta ku hayna ardayda iyo sidoo kale macallimiintooda,” ayuu yiri C/llaahi Nuur.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa xusay in dadka aragga la’ ay kaalin aan la dhayalsan karin ku leeyihiin bulshada dhexdeeda, isagoo tusaale u soo qaatay hal abuurka ay leeyihiin.

“Indhoolaha dhabta ah waa qofkii qalbiga beela, kuwa aan adduunyada wax kusoo kordhin ayaa la yirahdaa indhoolayaal,” ayuu yiri xildhibaan Dalxa oo intaas ku daray in bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool uu ka codsaday inay soo caawiyaan dadkan aragga la’ si Ilaahay ugu raxmado sida ay ugu raxmadeen indhoolayasha.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda isku gacan-qaaday labadii mas’uul ee kala matalaayay labada urur ee midoobay, Maxamed Axmed Maxamuud iyo Bashiir Maxamed Jimcaale.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya