4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Xarunta Macluumaadka iyo Ka-hor-tagga Burcad-badeedda oo Dood Qabatay

Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Xarunta macluumaadka iyo ka hor-tagga burcad-badeedda Soomaaliya oo kaashanaysa ururka dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ayaa dhallinyarada u qabatay dood furan, taasoo lagu lafa-guray saameynta iyo waxyeellada falalka burcadbadeenimadu ku yeelatay bulshada Soomaaliyeed.

Dooddan oo la qabtay shalay ayaa waxaa ka qaybgalay dhallinyaro ka baxay jaamacadaha dalka, iyagoo burcadbadeednimada ku tilmaamay mid aan ka gaddisnayn burcadda barriga.

Ayaan Maxamed Cabdullaahi oo ah ardayad ka baxday Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqday in burcadbadeeddu ay sicir-barar ku keentay shidaalka, baabuurta, qalabka guraha iyo hantida kale sida iibka dhulka bannaan ama kan dhisan.

“Waxay qalqal geliyeen dhaqaalihii waddanka illaa dadka caadiga ah ay ka gaareen inay waayaan deegaan ama alaabo wanaagsan oo ay guryahooda dhigtaan, kuwa raaxo doonka ah iskaba daa; waayo qiimihii alaabta ayaa cirka isku shareeray. Sidoo kale falalkii burcadbadeeddu waxay sababeen in qoysaska ay burburaan,” ayay tiri Ayaan.

Sidoo kale, Yuusuf Cabdullaahi oo doodda ka hadlay ayaa yiri. “Ololayaasha liddiga ku ah arrimaha burcadbadeedda ee ay wadaan ururrada maxalliga ah iyo kuwo qalaad kuma aysan darin dhibaatada deegaanka ay u geystaan qawleysato isku xiran oo caalami ah.”

“Waa caddaalad-darro in baddeena la sumeeyo oo aan cidina ka hadlin, waa cadaalad-darro in kalluunkeenna la xaalufiyay oo aanay jirin cid ka hadasha, maalin walba waxaan akhriyaa warar sheegaya maraakiib hor leh oo Somalia u socota si ay burcadbadeedda ula dagaalamaan, iyadoo xitaa aanay burcad-badeed jirin,” ayuu hadalkiisa ku daray Yuusuf Cabdullaahi.

Dadkii doodad ka qayb galay waxay isku raaceen in Burcad-Badeednimadu tahay shay xun oo khatar leh waayo dad aan waxba galabsan iyo Maraakiib  ayaa layska qabsan si Madaxfurasho looga qaato. Waxaa taas ka Khatarsan in Dhalinyaro   badan ayaa Badda ku dhammaaday kuwo kale oo badanna waxaa lagu xir xiray Dunida dacalladeeda, sidaa waxaa yiri mid ka mid ah ka qaybgaleyaasha dooda .

Mar ay ka jawaabayeen su’aalo la xiriiray sababta keentay hoos u dhaca ku yimid falalkii burcadbadeedda sannadihii dambe ayay dhallinyaradan xuseen inay sabab u tahay hogo-tusaalayn iyo wacyi-gelin badan oo la sameeyay, taasoo bulshada ku yeelatay saameyn wanaagsan.

Khaliif Xalane oo isna ka mid ahaa ka qaybgalayaashii doodda ayaa yiri. “Bil ka hor degmada Hobyo waxay ahayd goob burcadbadeedda lagu xaman jiray inay hoy u tahay, waxaana kusoo caariyay markab xamuul oo shidaalkii uu ka go’ay, waxaa dhacday in dadkii degmada ku noolaa ay markabka siiyeen shidaal lacag la’aan ah, taasna waa horumar aan wali la sheegin,”

Dhanka kale, dhallinyardi dooddan ka qaybgashay waxay ku taliyeen in la sameeyo olole waaliddiinta lagu barayo sidii ay ilmahood uga celin lahaayeen ku biiridda burcadbadeedda. Waxay kaloo ku taliyeen in waaliddiinta la baro sidii ay ula macaamili lahaayeen carruurtooda burcadbadeedda horay ugu biiray. Talooyinkan ayay sheegeen inay qayb ka qaadanayaan inay kooxahan dib ugu soo biiraan bulshadooda.

Dr. C/casiis Dhaga-qool oo ah agaasimaha xiriirka dadweynaha iyo arrimaha bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna doodda hadal ka jeediyay ayaa yiri. “Si aan khayraadka dalkeenna iyo sumcadeennaba u difaacno, uguna difaacno si sharci ah, waa in da’yarta wax baratay ay ku biiraan ciidamada badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, waxaan kulankan ka hadlay oo goob-joog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta Qaranka, Qalloocoow, xoghayaha guud ee ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Canab Maxamed Cosoble, iyagoo dhallinyarada ku guubaabiyay inay wadaan diidmada ay diiddeen burcad-badeednimada.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya