4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
BALADWEYNE: Banaanbax weyn oo lagu taageeray Maamulka gobolka Hiiraan


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Dibadbax ay qaban-qaabadiisa lahaayeen ururrada bulshada laguna taageeray maamulka gobolka Hiiraan iyo dhismaha maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan qorshaha la doonayo in lagu dhiso maamul ay ku mideysan yihiin Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne.

Dibadbaxayaasha ayaa dhinaca kale uga digay dowladda Soomaaliya in ay gobolka u soo magacaawdo shaqsiyaad sidda ay sheegeen aan ku iman rabitaanka bulshada.

Nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge oo ka mid ahaa waxgaradkii ka hadllay dibadbaxa ayaa sheegay in marnaba aqbali doonin in dowladda siyaasada gobolka kala hadasho sidda uu hadalka u dhigay  cid aan aheyn mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Ka qeyb-galayaasha dibadbaxa ayaa sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhagyo ay ku taageerayaan maamulka gobolka Hiiraan iyo guddoomiyaha maamulka C/fitaax Xassan Afrax.

“Dowladda Soomaaliya waxaan u jeedineynaa in bulshada gobolka loo madaxbanaaneeyo ribtaankooda, looma baahna in dowladda kala hadasho siyaasada gobolka shaqsiyaad meelo kale jooga oo aan xog-ogaal aheyn ayuu yiri ,’’ nabadoon Xassan Kulmiye Waasuge.

Dibadbaxan ayaa imanaya xili dowladda Soomaaliya la sheegay in guddi u saartay ka soo talla-bixinta sidda loo waafajinayo gobolka Hiiraan dhismaha nidaamka federaaliisam-ka iyaga oo wadda tashi la yeellanaya bulshada gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya