4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Shir lagu Taageerayo Ciidamada Soomaaliya oo ka furmay Magaalada London


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Shir taageero dhaqaale loogu raadinayo dhismaha ciidamada qalabka sida iyo amniga Soomaaliya muddo saacado ahna soconaya ayaa maanta ka furmay magaalada London ee xarunta waddanka Britain, iyadoo uu shirkan si rasmi ah u furay ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Shirka oo ka furmay Lancaster House ayaa waxaa ka qaybgalaya wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul waasaraha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin; wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sh. Xasan Xaamud, taliyeyaasha ciidamada Soomaaliya, wasiirka warfaafinta, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow iyo xubno ka socda Inigriiska, UNSOM, AMISOM, EU, IGAD, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda, Talyaaniga Italy, Imaaraadka Carabta, Turkiga iyo Mareykanka.

Shirka ayaa waxaa saacadaha uu socdo diiradda lagu saarayaa sidii xal loogu heli deeqaha la siiyo Soomaaliya, dhismaha ciidamada Soomaaliya si ay u noqdaan kuwo si wanaagsan u gudan kara howlahooda.

“Kulankan wuxuu kusoo beegmayaa xilli wanaagsan oo aan horumar weyn ka sameynay dhinacyada ciidamada iyo siyaasadda. Waxay dowladdu qarka u saaran tahay inaan ku burburiso Al-shabaab howlgallada socda iyo sidoo kale dilkii hoggaamiyihoodii Godane. Tanina waa fursad weyn,” ayuu ka yiri furitaankii shirka ra’iisul wasaare C/weli Sheekh.

Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay ayaa wuxuu intaas ku daray. “Si arrintaas loo xaqiijiyo, waxaan u baahannahay taageeradiinna. Innaguna waxaan idiin ballanqaadaynaa inaad maqashaan ama arki doontaan qorshaheenna oo aan dhameystirnay, waana mid aan mudnaan weyn siinayno.”

Dhanka kale, ra’iisul wasaare C/weli Shiikh ayaa ka hadlay baahida loo qabo in la xoojiyo dib u heshiisiinta siyaasadeed ee dalka, taasoo uu sheegay inay qayb ka qaadanayso qorshaha xasilinta dalka.

“Waxaan hubanti ah in horumar la sameyn karo marka ay jirto dib heshiiisiin dhab ah oo dhexmarta Soomaalida oo dhan. Waxaana muhiimada ugu weyn siinaynaa sidii aan 12-ka bilood ee soo socda horumarro u gaarsiin lahayn dalka,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo Soomaaliya loo qabto, iyadoo horay magaalada London loogu qabtay laba shir oo taageer dhaqaale loogu raadinayay dowladda Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya