4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Bangiga Salaam Somali Bank oo Laan Cusub ka Furatay Magaalada Kismaayo

Khamiis, Sebtember 18, 2014 (HOL) :- Xaflad si heersare loo soo agaasimay islamarkaana ka dhacday Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayay ujeedadeedu ahayd daahfurka Laan cusub oo uu magaalada Kismaayo ka furay Bankiga Salaam Somalia bank.

Xafladii furitaakna Bankiga ayaa waxa kasoo qeybgalay Ganacsato, Aqoonyahanno, Culumaa’udiin iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo, waxaana ugu horeyn halkaasi ka hadlay masuuliyiinta Bankiga Salaam bank.

Gudoomiyaha bankiga Salaam xaruntiisa Kismaayo Mudane Qadar Cali Xaraare oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in bankigani uu wax weyn ka tari doono baahida ay shacabka u qabeen banki Islaami ah oo laga hirgeliyo deegaanada Jubooyinka isagoo xusay in ay bulshada u hayaan adeegyo kala duwan.

Sidoo kale waxaa iyaguna ka mahadceliyay furitaanka Bankiga Salaam ee Kismaayo ganacsato iyo marti sharaftii kale ee lagu casuumay xafladda, kuwaasoo sheegay in baahi weyn loo qaban howlaha kala duwan ee uu qabto Bankiga.

Bankiga Salaam oo ah Banki Islaami ah ayaa laamo ku leh inta badan gobollada dalka Soomaaliya, iyadoo bankigani ay wada shaqeyn ka dhexeeyso shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya