4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Guddoomiyaha gobolka Bay oo ka hadlay shirka ka socda Degmada Baydhabo


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Baydhabo guddoomiyaha gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosow ayaa ka  hadlay shirka dib u heshiisiinta ee Baydhabo ka furmay, isagoo ku baaqay in la dar-dar-geliyo shirkan oo maamul loogu sameynayo goballada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Hoosow ayaa wuxuu xusay in loo baahan yahay in la mideeyo afkaaraha kala duwan iyo khilaafyada sababay, isagoo soo jeediyay in laga hortago wax kasta oo fashil ku keeni kara shirka ka socda Baydhabo.

Guddoomiyaha ayaa wuxuu xusay in shirka uusan ahayn mid lagu jabinayo maamulka lixda gobol, balse loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga shaqeyn lahaa xasilinta gobolka Bay.

Dhanka kale, Baydhabo ayaa waxaa si habsami leh uga socda shirka dib u heshiisiinta ah, balse waxaa shirka ka maqan mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol sida madaxweynaha maamulkaas, Madoobe Nuunoow Maxamed iyo Malaaq Xasan Shuri Maxamuud.

Hiiraan Online, Baydhabo