4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Munaasabad Tacsi ah oo Muqdisho loogu sameeyay guddoomiyihii Hiil-Qaran


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Tacsi ayaa maanta Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistee guddoomiyihii xisbiga HIIL QARAN, Xaaji Ibraahim Macallin Mursal oo 09-kii bishan September ku geeriyooday dalka Netherlands, isla 15-kii bishan lagu aasay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, waxaana janaasadiisa ka qaybgalay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, mas'uuliyiinta xisbiga iyo dadweyne fara badan.

Munaasabadda xuska ah ee loo sameeyay marxuum Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana ugu horreyn ka hadlay maamulka xisbiga ee Muqdisho, Maxamed Muuse Sheekh Xasan oo si aad ah ugu dheeraaday waxqabadkii guddoomiyaha HIIL QARAN, isagoo xusay inuu mas’uul inta badan maskaxda ku hayay in Soomaaliya ay dib cagaheeda ugu joogsato, isagoo howshaas ku jirana uu dhintay.

Abuukar Macallin Mursal oo ay walaalo ahaayeen maxuumka oo isaguna ka hadlay goobta ayaa sheegay in marxuumku uu ahaa ruux barbaariye ah oo ku wanaagsan diinta Islaamka, isagoo intaas ku daray inuu ahaa nin ay ku dheer tahay wadaniyad iyo dal jacayl, sida muuqatana uu ahaa nin bulshada Soomaaliyeed isku soo jiida.

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay isaguna tacsida ayaa sheegay in xaajigu uu ahaa nin habeen iyo maalin u taagnaa sidii uu dalkan dib ula soo laaban lahaa sharaftiisii, isagoo Alle uga baryay inuu Jannaadiisa ku abaal-mariyo.

Taariikh nololeedka Marxuumka Xaaji Ibraahim;

Xaaji Ibraahim ayaa wuxuu ku dhashay sannadkii 1939-kii deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho, wuxuuna Qur’aanka ku bartay dugsi Mowlaca Aawo ee degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa iskuulka min hoose illaa sare ku qaatay iskuulka Masaarida ee Al-namudaj. Isagoo ka qalin-jabiyay Jaamacadda ummadda qaybteeda sharciga 1972-kii. Wuxuuna muddo dheer kasoo shaqeynayay wasaaraddii Waxbarashada oo jagooyin kala duwan uu kasoo qabtay.

Shaqada wasaaradda waxbarashada ayaa wuxuu ka billaabay macallinimo isagoo noqday maamule Iskuul. Wuxuuna sidoo kale mudane kasoo noqday golihii shacabka ee burburkii ka horreeyay.

Allaha u raxmadee, Xaaji Ibraahin ayaa sharciga iyo maamulka dowliga ah kusoo bartay dalalka Masar iyo Mareykanka, isagoo soo ahaa maareeyihii guud ee hay’addii dan-wadaagaha. Wuxuu kaloo ku mashquulsanaa xilliyadii dambe diyaarinta shahaadada Master-ka qaybteeda Public Administration, balse nasiib-darro ma dhameysanin waxaana qalin-jabintiisa ka dhinnaa lix bilood oo keliya.

Intii dalka uu burburka ku jiray Xaaji Ibraahim wuxuu ku noolaa waddanka Netherlands, halkaasoo uu dib ugu billaabay ka shaqeynta danaha Somalida ku qaxay dalkaas, wuxuuna muddo ahaa guddoomiyihii dalladda guud ee mideynta ururrada Soomaaliyeed ee ka dhisan dalka Netherland oo marka la soo gaabiyo loo yaqaano (FSAN), iyadoo lagu xasuusto sida uu uga soo shaqeeyay mideynta Soomaalida deggen waddankaas.

Eebbe ha u raxmadee marxuumku wuxuu ahaa ruux aan ka dalin ka shaqeynta sidii dalka nabad waarta loogu soo dabaali lahaa, dibna loogu dhisi lahaa, wuxuuna ka mid ahaa aasaasayaashii Xisbiga HIIL QARAN oo uu ka noqday guddoomiye.

Intii uu ahaa guddomiyaha Xisbiga wuxuu kusoo laalaabtay Somalia isagoo booqsho ugu tagay qaxootiga xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab oo qoxooti badan oo Soomaaliyeed ay ku nool yihiin, si uu u indhihiisa ugu soo arko xaaladaha ay ku nool yihiin dadkaas Soomaaliyeed.

Marxuumku wuxuu wakhtigiisa inta ugu badan geliyay ka shaqeynta danta ummadda Sooamaaliyeed, wuxuuna ku sifoobay qabyaalad nacayb iyo Qaran jeceyl.

Ugu dambeyn, marxuum Xaaji Ibraahim Macallin Mursal wuxuu ku hadli jiray luqadaha Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga, Dutch-ka oo looga hadlo Holland iyo afka Soomaaliga. Wuxuuna ifka kaga tagay xaas iyo toddoba carruur ah.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya