4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
RW C/weli oo Sheegay in Cafiskii ay Al-shabaab u Fidiyeen laga soo Jawaabay

Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed ayaa sheegay in cafiskii ay dowladdu u fidisay xubnaha ka tirsan Xarakada Al-shabaab laga soo jawaabay oo ay dagaalyahanno kooxda Al-shabaab ka tirsanaa ay kasoo tageen.

Mudane C/weli Sheekh oo u warramayay BBC-da qaybteeda Ingiriiska ayaa sheegay in cafiskan ay dowladdu fidisay laba toddobaad ka hor, ayna aad ugu faraxsan yihiin in durba laga soo jawaabay cafiskoodii.

“Cafiskan 45-ka maalmood ah ee aan Al-shabaab u fidinnay waa sidii aan u kala jabin lahayn Al-shabaab, fikirkeenna ugu weyn waa taas,” ayuu C/weli kaga jawaabay su’aal ahayd sababta ay 45-maalmood ugu qabteen kuwa ka tirsan Al-shabaab inay isaga soo baxaan.

Su’aal ahayd imisa ruux ayaa illaa hadda kasoo baxay Al-shabaab oo aad la socotaa, ayaa wuxuu kaga jawaabay. “Waxaa jira rag Al-shabaab ka tirsan oo gaaray Baladweyne, waxaana tirade aan ka warhayo ay hadda tahay illaa 30-ruux oo kasoo baxay kooxda tan iyo markii aan cafiska fidinnay.”

Al-shabaab ayuu ku tilmaamay inay tahay koox aan dadka daryeelin; sidoo kalena aan wax wanaag ah u hayn, sidoo ka gaabsaday inuu sheego inay sii kordhin doonaan cafiska bisha iyo barka ah iyo in kale.

Laba toddobaad ka hor ayay ahayd markii la shaaciyay in hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyeen gobolka Shabeellada Hoose.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa magacowday hoggaamiye cusub, kaasoo ay sheegeen inuu bedeli doono hoggaamiyihii laga dilay, kaasoo magaciisa ay ku sheegeen Sheekh Axmed Cumar Abuu-cubeyda.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed uu ku sheegay in xubno ka tirsan Al-shabaab ay ka jawaabeen cafiskii ay fidiyeen ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli dowladdu ay sheegtay inay 45-maalmood oo cafis ah u fidisay xubnaha Al-shabaab ka tirsan inay kaga soo baxaan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya