4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Askari ka mid ah ciidanka Milateriga Somaliland oo toogasho ku dilay 2 Sarkaal

Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada milateriga Somaliland ayaa toogasho ku dilay maqribnimadii shalay oo Arbaco ahayd, iyadoo aan la sheegin sababaha keenay in askarigan uu toogasho ku dilo labadan sarkaal.

Labada sarkaal ee la dilay oo aan magacyadooda la sheegin ayaa waxay kala ahaayeen; taliyihiin howlgelinta guutada 17-aad iyo ku xigeenkiisii, waxaana lagu dilay deegaanka Qori-lugud ee gobolka Togdheer.

Saraakiil u hadashay ciidamada milateriga Somaliland ayaa sheegay inay ku jiran baaritaanno ay ku ogaanayaan sababihii keenay in askarigu uu toogasho ku dilo labadan sarkaal.

Wararka saraakiisha ayaa waxay intaas ku dareen in askarigu uu rasaas ku furay labada sarkaal oo midna uu saddex xiddigle ahaa iyo mid kale oo isna ahaa hal xiddigle.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu baxsaday, iyadoo aan la ogeyn illaa iyo hadda meel uu aaday, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo ciidamada milateriga Somaliland ay ka wadaan gobol Sool qorshayaal ay kaga horjeedaan maamulka Khaatumo.

Ma ahan markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu toogasho ku dilo saraakiil ciidamadaas ka tirsan, iyadoo aysan jirin weli wax war ah oo ay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland kasoo saartay falkan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya