4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Odayaal dhaqameed Soomaaliyeed oo dood-cilmiyeed loogu qabtay Muqdisho


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsanayd sidii loo taageeri lahaa horumarka dowladdu sameysay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo ay ka qeyb-galeen odayaal dhaqameedyo.

Kulanka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda wada-hadalka bulshada ayaa lagu falan-qeeyay sida lagama maarmanka ay u tahay in dhallinyarada ka tirsan Al-shabaab ay uga soo noqon lahaayeen, ayna nabadda dalka kaalin uga qaadan lahaayeen.

Suldaan C/llaahi Cabdulle Wehliye sheegay in dhallinyarada loo baahan yahay in la jiheeyo, si aan loo marin habaabin, isla markaana la wacyi-geliyo.

“Fikirka dalka iyo dibadda baabi'iyay waa xagjirnimo diineed, dhallinyarada waa in laga badbaadiyaa fikirkaas qaldan, lagana dhaadhiciyo in dadka fikirkaas qaatay inay lunsan yihiin, waxaa loo baahan yahay marka in dhalinyarada la jiheeyo, muhiimada koowaad la siiyo wacyi-gelin xagga diinta ah, culummadana ay qaataan doorkooda,” ayuu yiri Suldaan Wehliye.

Nabaddoon Macalin Maxamuud Cali ayaa sheegay in marka hore loo baahan yahay in la is-baraarujiyo, wixii Alle faray mooyee, wax kale laga fogaado, si ummadda loogu sheego wax sax ah.

"Marka hore waxaa muhiim ah in odayaasha dhaqanka iyo dowladda Somalia ay isku xirmaan si ay uga wada qayb-qaataan in dhallinyarada maanta la lumiyay ee waddada qaldan ku socda in lasoo celiyo, ruuxa rabitaankiisa cid celin karta ma jirto; laakiin wacyi-gelin buuxda ayaa loo baahan yahay," ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Sidoo kale, nabaddoon Maxamed Maxamuud Sahal (Shiddo) oo isaguna ka hadlay doodda ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay taageeraan guulaha ay ku tallaabsadeen ciidamada qalabka sida, isla markaana dalka loogu soo celiyo nabad iyo xasillooni.

"Horumarka dowladda iyo guulaha ciidamada qalabka sida ay ka soo hoyeen howlgalada socda waa taageereynaa, in dalkan amni noqdo, kala dambeyntii soo laabato ayaa taageereynaa, sidoo kale geeridii hoggaamiyihii Al-shabaab Godane oo ahaa nin ummadda dhib badan u geystay, dambi ka galay, maatada gumaaday, waxay horseedi kartaa in kooxdaas burburto," ayuu yiri Abwaan Shido.

Ugu dambeyn, waxaa doodda hadallo ka jeediyay, nabaddoon Cabdullaahi Faarax Xeyle, nabaddoon Nuur Salaad iyo abwaan C/llaahi Salaad Axmed Gabeyre oo dhammaantood sheegay in dhallinyarada ku jira Al-shabaab ay dib uga soo laabtaan ayna ka qaybqaataan horumarinta iyo nabadeynta dalka.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya