4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Soomaali lasoo taagay Maxkamad ku taalla magaalada Eldoret ee dalka Kenya

Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay sagaal ruux oo Soomali ah,kuwaasi oo ka soo cararay xerada Kaakuma oo ah halka ay ku xaraysan-yihiin kumanaan qaxooti Soomaliyeed ah sidaa waxa warbaahinta u sheegay masuul ka tirsan Kenya.

Waxaa Somalidan lagu qabtay iyaga oo maraya halka lagu magacaabo Webuye,xilli ay  ku sii jeedeen magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas ,iyadoo wararka ka imaanaya halkas ay sheegayaan in sagaalkan ruux la soo taagay maxkamadda Eldoret.

“Boolisku waxa ay gacanta ku dhigeen dadkan iyaga oo maraya goob isbaaro ah oo ciidanku isticmaalaan “ayuu yiri Bernard Macharia oo ka hadlayay habka loo xiray  Soomaalidan qaxootiga ah.

Qaar kamid ah magacyadan sagaalkan ruux ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Maxamed Cabdi,Cabduqaadir Maxamed Hibo Halake ,Cabdulaahi Maxamed ,Sagal Walaba , Aamino Maxamed ,Faadumo Cabdi iyo waliba Nataasaha Aadan waxaana dhamantood ay ka soo muuqden maxkamadda.

Waxaa danbiga lagu soo eedeeyay uu yahay in lagu qabtay meel ka baxsan xerada Qaxootiga iyo in aysan haysan sharciyo sax ah oo ay ku gali kareen caasimadda Nairobi sida uu sheegay masuulka u hadlay dowlada.

Ugu danbayntii mid kamid ah Somalidan ayaa sheegay in ay qorshaynayeen  booqashada qoysaskooda oo ku sugan Nairobi ,isla markaana ay iminka rabaan in dib loogu celiyo xeradii ay ka soo tageen markii hore.

Faysal Mohamed Hassan 
[email protected]