4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Shir looga Hadlayo Amniga Somalia oo Maanta ka Furmaya Magaalada London


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Shir looga hadlayo ammaanka dalka Soomaaliya iyo xoojinta ciidamada qalabka sida ayaa maanta ka furmaya magaalada Lonodon ee xarunta dalka Britain, iyadoo shirkaas ay ka qayb-galayaan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo ka mid ah wafdiga ra’iisul wasaaraha ee shirka ka qaybgalaya ayaa sheegay in shirka ay ka qaybgeli doonaan mas’uuliyiin uu ka mid yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe). Isaaoo xusay inuu kulanku ka dhici doono xarunta Lancaster House.

“Ujeedka kulanka amniga Somalia ee lagu qabanayo London maanta waxaa ka mid ah in la hubiyo in dalalka deeqaha siiya Soomaaliya ay kordhiyaan taageeradooda ciidamada xoogga dalka si ay u hantaan soo celinta amniga guud ee waddanka. Dowladdu waxay shirka hordhigi doontaa qorshayaasha ku aaddan sidii loogu dhisi lahaa ciidmada, isla markaana loo mideyn lahaa,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Sidoo kale, Dhuxuloow ayaa sheegay in iyadoo la dhowrayo nidaamka cuno-qabateynta hubka iyo ilaalinta xaquuqul insaanka. Isgoo xusy in kulankan ay ka filayaan inay kasoo baxaan go’aanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la isku raaco qorshaha horumarinta ee ciidamada xoogga dalka tan iyo 2019-ka, in deeq bixiyeyaasha ay caddeeyaan dadaalkooda taageerada ciidamada xoogga dalka iyo in Soomaaliya iyo Britain ay ka wada shaqeeyaan sidii loo dabo-geli lahaa ballanqaadyada la sameeyo.

“Waxaa kaloo ka fileynaa in kulankan in dalalka deeqaha bixiya ay kulanka ka shegayaan deeqaha ay u qoondeeyeen ama u ballan-qaadeen dhismaha iyo tayeynta ciidamada xooggad dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Dhuxulow.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dowladda Somalia waxay si hagar la’aan ah ugu mahad-celinaysaa dowladda Baritain iyo David Cameron oo muujiyey door hoggaamineed ee arrimaha Soomaaliya, kuwaasoo aan ahayn oo keliya in shirar joogta ah Soomaaliya loogu qabtay London.”

Shirkan looga hadlayo tayeynta ciidamada xoogga dalka ayaa imaanaya xilli ay dhawaan madaxda AMISOM sheegeen inay Soomaaliya ka baxayaan marka la gaaro sannadka 2016-ka, ayna howsha ay hayaan ku wareejin doonan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya