4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Scotland oo Maanta looga codeynayo inay ka go’do UK & inay kasii mid ahaato


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) — Shacabka Scotland ayaa maanta cod u qaadaya inay kasii mid ahaadaan boqortooyada midowday ee Britain (UK) iyo inay noqdaan ka go’an oo madax-bannaan.

Dadka codkooda dhiibanaya ayaa lagu sheegay inay gaarayaan afar milyan oo qof, iyadoo ay jiraan kala aragti duwanaasho u dhexeysa shacabka ku nool gobolkaas, kuwaasoo qaarkood doonaya inay ka go’aan Britain, halka kuwo kalena ay u ololeynayaan inay kasii mid ahaadaan boqortooyada UK.

Madaxda xisbiyada siyaasada Britain ayaa ugu baaqay dadka reer Scotland inaanay madaxbannaani u codeyn, kuwaasoo sheegay in Scotland ay xaalad ka duwan tan ay hadda ku sugan tahay la kulmi doono, haddiise ay kasii mid ahaadaan UK ay dhici karto in nolosha iyo dhaqaaluhu uu intan ka bato.

Natiijada cod-bixinta ayaa la filayaa in berri oo Jimco ah la shaaciyo, iyadoo tijaabooyin hore oo la qaaday ay muujinayaan inay isku dhow yihiin dadka u codeynayaa inay go’aan iyo kuwa doonaya inay kasii mid ahaadaan UK.

Goobaha codadka laga dhiibanayo ayaa gaaraya 32-goobood, waxaana ku sugan magaaladaas maanta wariyeyaal daafaha caalamka isaga yimid, iyadoo horay ay codeyn noocan oo kale ah uga dhacday gobolka Scotland.

Shacabka Scotland ayaa haddii ay u codeeyaan inay ka go’aan Britain ayaa waxay noqonaysaa middii ugu horreysay muddo 300 oo sano ka badan oo ka go’da boqortooyada Midowday ee Baritain.

Dhanka kale, waxaa jira in qaar ka mid ah gobollada ay Britain ka kooban tahay ay doonayaan iyaguna in codka kalsoonida loo qaado inay ka go’aan Britain iyo inay kasii mid ahaadaan.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa  dhawaan si qushuuc uu ku jiro uga dalbaday shacabka Scotland inaysan ka go’in UK, isagoo sheegay in midnimda UK ay ku xirnaan doonto hadba sida ay codka u dhiibtaan.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya