4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 18, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli oo ka hadlay sababihii xilka looga qaaday Sanbalolshe


Khamiis, September 18, 2014 (HOL) —  Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/wali Shiikh Axmed ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababibii uu xilka uga qaaday agaasimaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), isagoo xusay in xil ka qaadistaas ay keentay kaddib markii ay u dulqaadan waayeen xarig loo geystay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

C/weli Sheekh oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale ay ka mid tahay sababta xil ka qaadistan keentay in agaasimuhu uu hadallo kulul ku weeraray madaxda dowladda iyo ku takri-fal awoodeed.

“Mar walba is-bedel awoodeed waa uu dhacayaa, sababaha keenay in xilka laga qaado agaasimaha nabadsugiddana waxay ahaayeen qaabka uu howsha u wado oo aan u aragnay inaysan caawinayn siyaasadda dowladda oo ah in la helo adeeg xagga nabadgelyada ah oo oo degen,” ayuu yiri C/wali Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ku sheegay dhaqmaadaas inay ka mid yihiin xarig lagula kacay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka iyo madaxda dowladda oo si toos ah loo weeraro hadal ahaan. Waxyaabo ku habboonayn howlaha hay’ad noocaas oo kale ahna ay keentay in golaha wasiirrada uu ka qaato go’aan.

Arrintan ayaa keentay in madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaarihiisa uu soo dhexgalo mad-madow, taasoo uu C/weli Sheekh ku sheegay inaysan ahayn khilaaf ee ay tahay kala aragti duwanaasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli aqbalin go’aanka xil ka qaadista ah, iyadoo agaasimaha hay’adda nabadsugidda Qaranka uu weli howshiisa si caadi ah u wato, inkastoo aan la ogeyn halka uu xaalku ku dambeyn doono.

Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo toddobaadkii bishan aynu ku jirno ay golaha wasiirradu isku raaceen in xilkii laga qaaday taliyaha hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya