4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
NUSOJ oo soo Agaasintay Munaasabad loogu ololeynayay Nabada Soomaaliya


Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Munaasabad weyn oo ahyd mid loogu ololeynayay nabadda Soomaaliya uuna soo qabanqaabiyay ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana maal-geliyay munaasabaddan Qaramada Midoobay, iyadoo lagu soo beegay maalinta nabadda Adduunka.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay suxufiyiin ka howlgla Muqdisho oo ay hoggaaminaysay NUSOJ, xubno ka socday dowladda Soomaaliya, haween, dhallinyaro iyo ururada bulshada rayidka ah. Iyadoo wariyeyaasha Soomaaliyeed lagu tilmaamay kuwo door muhiim ah ka qaatay sidii ay Soomaaliya ay nabad u noqon lahayd.

Dhammaan xubnihii kulanka ka qayb-galay ayaa waxay soo jeediyeen in laga shaqeeyo midnimada iyo dib u heshiisiinta, kor loo qaado wacyiga shacabka Soomaaliyeed iyo in kooxaha dagaallada ku jira inay kasoo qayb-galaan sidii dalkan nabad looga dhigi lahaa.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay sidii warbaahintu ay u taageeri lahayd qorshayaasha nabadda ee ka socda dalka iyo wariyeyaasha ay u adeegaan si nabadda loo xoojin lahaa.

Xoghayaha guud ee ururka NUSOJ, Maxamed Ibraahim Bakistaan ayaa hadal uu goobta ku xusay in warbaahintu ay kaalin muhiim ah ay ka ciyaari doonto sidii loo xaqiijin lahaa nabadda dalka.

“Ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed wuxuu muddo dheer hoggaan u ahaa ololaha lagu nabadeynayo dalka, waayo muddo 22-sano ah waxaa ka jiray dalka fowdo ay hor-muud u yihiin dagaallo, kooxo diimeed, argagaxiso, burcad-badeed. Laakiin warbaahinta ayaa tusaale u ahayd ololaha nabadda, waxaana rumeysanahay inaysan nabadda hadda jirta jiri lahayn haddii aanay warbaahin jiri lahayn,” ayuu yiri Bakistaan.

Ugu dambeyn, Xaawo Luul oo ah wariye dumar ah oo ka howlgasha Radio Kulmiye ayaa iyaduna carrabka ku adkeysay in nabadda dalka lagu xaqiijin karo aragtida kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed oo la wadaago lana mideeyo.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya