4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo Ururrada kala hadlay ka Qayb-galka Diiwaan-gelinta


Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ururada Bulshada Rayidka ah iyo bahdda waxbarashadda Somaliland.

Madaxweynaha ayaa dadka ka socday ururadda bulshadda ku guubaabiyey inay ka qaybqaataan wacyigelinta dadweynaha ee ku aadan qaadashadda kaadhka muwaadinimadda ee la filayo inay dhowaan dalka laga bilaabo.

“Waxay ila tahay waa waajib ina wada saaran qaadashada Warqada Aqoonsiga, waxay ila tahay haddii aynu nahay umad inaynu muujinno umadnimadeena iyo dad-nimadeena oo aynu sugno oo aynaan cidna uga habran waa waajib iyo xil inaga wada saaran qaranka.sidaa daraadeed Anagu haddaanu dawladda nahay waajibaadka nala gudboon waanu ka qaadanaynaa xilkayagana waanu ka soo baxaynaa“ ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo oo la hadlayey ururadda bulshadda.

“Waxaanu jecelahay inaynu Diwaangalinta  Madaniga Meel uga soo wada jeedsano haddii ay tahay Ururada Bulshada, Hay’addaha kala duwan iyo Asxaabta Mucaaradka ahba. Waxaan rajaynayaa inaynu hawshaa meel uga soo wada jeedsano Kuligeenba oo Illaahayna inagu guuleeyo oo aynu waajibkeena ka soo wada Baxno Insha Allah”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Ujeeddada Kulankan ayaa ahayd inay dadka ka shaqeeya ururadda bulshaddu dadka ku wacyigeliyaan qaadashada kaadhka muwaadinimo,haseyeeshee madaxweynuhu marna ma soo hadal qaadin diidmadda mucaaradku ka muujiyey arrintaasi.

Madaxweynaha ka hor waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran cadde iyo xubno matalaya ururadda aan dawliga ahayn, sidoo kale waxa iyaguna madasha joogay shirkadda ku guulaysatay samaynta kaadhadhkan oo ku soo bandhigtay qaabka ay hawsha u wadayaan.

Madaxweynaha ayaa kaga mashquulay kulan uu manta la yeelan lahaa mucaaradka kulanka uu la qaatay ururadda bulshadda oo uu ku boorinayay inay ka qaybgalaan sidii lagu hir-gelin lahaa diiwaan-gelinta muwaadiniinta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland