4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Somalia oo beenisay inay didday ka Qayb-galka shir looga hadlayo Qoxootiga


Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa beenisay inay diidday ka qaybgalka kulan looga hadli lahaa dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku nool oo ka badan nus malyuun qof, sida uu sheegay danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko.

Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay diidday inay ka qayb-gasho shirar ay yeelan lahaayeen guddiga saddex-goosoodkah oo looga hadli lahaa sidii ay ku suuro-geli lahyd in qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool dib loogu celiyo dalkoodii Soomaaliya. Iyadoo danjiraha Soomaaliya uu sheegay inuu ugu maqnaa dalka Kanada daweyn intii markii la qabanayay kulankaas.

"Ma jirto kulan looga hadlayo arrimaha qoxootiga Soomaalida oo aan diidnay ma jiro, balse haddii aan ka warhayn lahahn kulan noocan oo kale ah waxaa ka qaybgeli lahaa ku xigeenkayga,” ayuu yiri danjire Ameeriko.

Sidoo kale, danjire Ameeriko ayaa sheegay inay xukuumadda Soomaaliya doonayso in guddiga ay kulan ku yeeshaan gudaha Somalia, balse laga soo xigtay wasiiradda arrimaha dibadda Kenya inaysan sababo amni wgood u raaci karin guddiga haddii ay tagayaan Muqdisho.

Danjire Ameeriko ayaa intaas ku daray in arrinta ku saabsan meelaha lagu celinayo qoxootiga ee aan ammaanka ahayn ay tahay mid ay walaacooda ka qabaan xukuumadda Somalia iyo hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR.

Ku-xigeenka guddoomiyaha waaxda qoxootiga Kenya, Harun Komen ayaa isna sheegay in caqabaddo dhaqaale ay sabab u yihiin dib u dhaca ku yimid qorshaha dib u celinta qoxootiga Soomaaliya ee Kenya ku nool.

Dhanka kale, Harum Komen ayaa sheegay in madaxda DRA loo diri doonto deegaannada Amuma oo gaarisa ka tirsan Gaarisa, Mandheera iyo Libooyo si ay u fududeeyaan dariiqii amni ah oo ay maraan qoxootiga doonaya inay si is-kood ah ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Kenya ayaa waxaa ku nool in ka badan nus malyuun qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo ku jira xeryaha dhadhaab oo ah kuwa ugu weyn dunida, iyadoo uu socdo qorshe dib loogu celinayo Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya