4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Wasiirka Warfaafinta oo Sheegay in aysan jirin Caburin lagu hayo Saxaafadda


Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia oo ku sugan Britain kana mid ah wafdiga uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay maanta inaysan jirin wax caburin ah oo ay dowladda Somalia ku hayso saxaafadda xorta ah, isagoo sheegay inay dowladdu u ogoshahay warbaahinta inay si xor ah howshooda ku wataan.

Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay inay xukuumaddu difaacayso madax-bannaanida saxaafadda, isagoo xusay inay saxaafadda madaxa bannaan iyo midda dowladda uu isagu wakiil ka yahay, haddii ay jiraan dhibaatooyin loo geystayna ay isaga kala hadli karaan.

“Qofka suxufiyiinta howlahooda kala hadli kara waa wasiirka warfaafinta, aniga ayaana xilkaas hadda haya,” ayuu kaga jawaabay dhuxuloow su’aal ahayd cidda saxaafadda xorta ah u tilmaami karta howlahooda ee dowladda ka tirsan.

Sidoo kale, wasiirka waxaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd in dad ka tirsan dowladd oo aan waxba ka ogeyn sida ay warbaahintu u shaqeyso ay qaar ka mid ah suxufiyiinta amar ku siiyeen inaysan wararka qaarkood tabin karin, ayaa wuxuu kaga jawaabay.

“Aniga hal shir ayaan ogahay oo ka dhacay hotel City Palace oo howlahooda lagala hadlay, way ii yeereen waan u tagay, waxaana u sheegay siyaasadda dowladda iyo howlaheenna, arrintaana waan caddeeyay madaxda dalkuna way kala hadleen, wuxuuna ahaa mid dhacay markaas oo keliya.”

Wasiirka waraafinta ayaa sidoo kale la weydiiyay su’aal kale oo ahayd inay suxufiyiinta dalka ka shaqeysa ka baqayaan inay tabiyaan waxyaabaha ka dhacaya dalka. Wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas.

“Arrinta saxaafadda ma filayo cid iiga xog-roon inay jirto anigaa ku dhex-jira, intii wasiirka aan ahaa si wanaagsan ayaan iskula shaqeynay. Mararka qaarkoodna qaladaadyo waa dhacaan, mana jirto cabsi aan ogahay oo ay ku shaqeeyaan, waan la hadlay arrintaasna aad ayaan uga doodnay, ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay, habeen dhaweydna madaxweynaha ayaa kala hadlay, iyadoo laga hadlay in si xor ah ku shaqeystaan iyagoo dhowraya qodobbada saxaafadda ee uu qabo dastuurka, marka ma jirto cabsi ay ka qabaan inay Xamar ka shaqeeyaan.”

Dhuxulow ayaa la weydiiyay su’aal kale oo ahayd; mana na xusuusin kartaa xeerka iyo dastuurka waxay ka qabaan in saxaafadda ay si xor ah wax u tabin karto. Wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas.

“Xeerka saxaafadda ee golaha wasiirradu ansixiyeen dhawaan qodobkiisa 18-aad ayaa qeexaya xorriyadda saxaafadda iyo tan hadalka, kaas ayaana saldhig u ah dastuurka dalka, marka suxufiyiinta dalka ka howlgala si xor ah ayay fikirkooda u gudbin karaan iyagoo aan qofna ku dhibaateynayn oo aan been abuur sameyn.”

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa wax lag weydiiyay wariyeyaasha u xiran dowladda iyo waxay ka yeelayaan, isagoo sheegay inay u xiran yihiin sida ay u tabiyeen howlgallo ay ciidamada dowladdu ka sameynayeen 18-kii Ogoosto xaafado ka tirsan Muqdisho. Arrintaasna waa mid maxkmadaha dalka hortaalla, waxaana rajeynayaa in si wanaagsan loola dhaqmo.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay inuu ku celinayo inaysan jirin amar ka soo baxay xukuumadda oo lagu caburinayo saxaafadda looguna diiday inay ka shaqeyso magaalada Muqdisho ama dalka oo dhan. Waxaana ku dhiirri-gelinayaa inay si xoriyadi ay ku jirto ay ku shaqeysan karaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya