4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
SHIIKH C/RAMAAN: Falalka Kooxda ISIS ma aha kuwo ka tarjumaya Islaamka


Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka mid ah Imaamyada masaajidda gobolka Minnesota ee dalka Mareyknaka oo ay Soomaali badan deggen yihiin ayaa sheegay in falalka ay ku kacayso kooxda Daacis aysan ahayn kuwo ka tarjumaya diinta Islaamka.

Imaamka masjidka Abuubar As-siddiiq ee magaalada Minneapolis oo wareysi siiyay VOA ayaa ka hadlay dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku biiraya ISIS, isgaoo siyaasadda arimaha dibadda ee Mareykanka si aad ah u weeraray.

“Waxaan dhihi lahaa dadku kuwana afka ayay ku fool-xumeeyaan Islaamka, kuwo kalena ficilka ayay ku fool-xumeeyaan, diinta Islaamkuna waa naxariis sida uu Alleba Qur’aanka ku sheegay, marka falalka ay kooxda Daacish ku kacayso ma ahan kuwo Islaamka ka tarjumaya ee waa kuwo ay doonayso in ay ku fool xumeyso. Qofka in la iska dilana ma qabto diinta Islaamka,” ayuu yiri imaamka oo ka hadlayay gowrac ay kooxdan u geysatay wariyeyaal u dhashay dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Sheekh C/raxmaaan wuxuu sheegay inuu ka digayo in islaamka la fool-xumeeyo oo dadka soo galaya laga joogsado, isagoo xusay inay tani keenayso in Islaamka loo arko diin wadata qaraxyo iyo dadka la gowraco.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa inaysan raacin dadka meelaha ka sheeganaya khilaafo Islaami ah inaadan raacin, oo aad u soo laabataan culummada kalana tashadaan falka aad ku dhaqaaqaysaan,” ayuu Sheekhu yiri.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd sida uu u arko khilaafada Islaamka oo Daacish ay sheegtay inay tahay ayuu ku jawaabay. “Khilaafadani ma ahan mid sax ah. Khilaafo Islaami sida loo dhisayo kutubta fiqiga ah ayay ku qoran tahay, Imaamka la dooranayana shuruudo gaar ah ayuu leeyahay, waayo waa nin ummadda Islaamka ah ay ku aamintay diintooda. Marka khilaafadan sax ma ahan waana kuwo iska sheeganaya magaca, culummada Islaamkuna way ka hadashay.”

Su’aal kale oo la weydiiyay Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar ayaa ahayd maxaa keenay in dhallinyaro Soomaaliyeed ay ku biiraan Kooxdan Daacish oo dhul fara badan ka haysata dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas.

“Dadka Muslimiinta ah kulligood waa ummad isku mid ah, dhibaatooyinkii ka dhacay Ciraaq iyo Suuriya waa la ogyahay, in loo gurmadana waa wax loo baahan yahay diintana ka mid ah, sida markii Afgaanistaan ay Soofiyeedku kusoo duuleen, markaasoo muslimiin badan oo caalamka ka kala tagay ay u gurmadeen, marka tanina waxay salka ku haysaa gurmadka noocaas oo kale ah, waana loo baahan yahay, laakiin god lagu dhaco oo dad kale oo aan u socon inay muslimiinta dhibka ka qaadaan waxaan qabaa inuusan arrinkaas sax ahayn.”

Sheekh C/raxmaan ayaa sidoo kale sheegay in Islaamku uu u baahan inuu yeesho khliaafad Islaami ah oo Muslimiintu xooggooda mideeyaan, laakiin tani ma ahan khilaafadii muslimiinta, mana ahan qaabka ay Khilaafadu ku timaaddo.

“Gabadhaha iyo wiilasha Soomaaliyeed waxaan oran lahaa ka digtoonaada inaad god isku riddaan oo aadan qaldamina, noloshiinnana aadan khatar gelin,” ayuu Imaamka masjidka Abuubakar As-siddiiq ku daray hadalkiisa.

Mar la weydiiyay Imaamka inuu la yaabay in Soomaali ka tirsan Daacish ay ku dhimatay dalka Suuriya iyo in kale ayuu ku jawaabay. “Waa wax la yaab leh runtii, waxaanse la yaabay in gabadho Soomaaliyeed ay aadeen dalkaas si ay ugu biiraan kooxdan. Marka waxaan oran lahaa Soomaalida, gaar ahaan dhallinyarada inaysan noqon kuwo wixii soo yeeraba iska raaca.

Hadalka Sheekh C/raxaman Sheekh Cumar ayaa imaanaya iyadoo Somali badan oo dibadaba caalamka ka yimid ay ku biirayaan kooxda Daacish, kuwaasoo la sheegay inay ku jiraan gabdho Soomaaliyeed oo da’doodu tahay 16-jir.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya