4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Kulan dhex-mari lahaa Mucaaradka Somaliland iyo Siilaanyo oo dib u dhacday

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa sheegay in kulan uu maanta la yeelan lahaa madaxweynaha ay dib ugu dhacday maalinta sabtidda ee toddobaadka soo socdda.

Madaxweynaha ayaa maanta la filayay inuu kulan la yeesho hoggaanka xisbiyadda mucaaradka, haseyeeshee kulankaasi ma dhicin, waxaanay hore xisbiyadda mucaaradku u sheegeen in ballan kale oo shalay la lahaayeen xukuumadda loo jaray.

Guddoomiyaha golaha Wakiilada, ahna gudomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in sababta maanta kulankooddii dib u dhigtay ay ahayd kullan uu madaxweynuhu la lahaa ururadda bulshadda oo wakhteed qaatay.

“Kulankaasi wuu baaqday, waxaana madaxweynaha kaga wada hadlaynay Arrinta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo diiwaangelinta Madaniga in la kala madax banaaneeyo”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo ka hadlaya inuu baaqday kulan maanta la lahaayeen madaxweynaha, waxaanu intaas ku daray “madaxweynuhu wuxu balan dheer la lahaa ururada bulshada, waxaana uu nala kulmi doonaa maalinta Sabtidda”.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa shalay sheegay in ballan xukuumadda iyo xisbiga kulmiye la lahaa loo jaray, isla mrkaana wakhti badan ay sugayeen. Haseyeeshee, Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay inaanay jirin Ballan ay Mucaaradka la lahaayeen oo ay kaga baxeen.

“Waxaa jirtay Inay Shalay Galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen laakiin, anagu waxaanu u soo jeedinay inay arintu degdeg tahay sidaas darteedna aanu Xisbi ahaan iska arkayno. Islamaanu meel dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta lagu kulmayo midna.waxay xalay soo saareen Eedayn ah inaanu kaga baxnay Ballan” ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo ah gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey eedeen xalay usoo jeediyeen xisbiyadda mucaaradku.

“Xisbiga Kulmiye waxa uu Umadda u caddaynayaa inuu diyaar u yahay Wada hadalka, waxa uu Kulmiye isagoo danaynaya Maslaxadda Umadda, In Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo iyo In Asxaabta taladoodu isku dhamaato in wada hadal lagu dhameeyo wixii jira”ayuu raaciyey hadalkiisa, isagoo ka jawaabaya eedda xisbiyada mucaaradka uga yimid.

Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa xalay xukuumadda iyo xisbigeedda ku eedeeyeen inay u jareen ballan ay la lahaayeen oo ku saabsan inay ka wada hadlaan diiwaangelinta madaniga ah ee ay xukuumaddu waddo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland