4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sheegay inay xafiis cusub ka furayaan Kismaayo


Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay xafiis ka furanayso magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Goodax oo ka mid ah wasiirrada dowladda ee ka qayb-galaya shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ayaa sheegay inuu go’aan ku gaaray in xafiis ay ka furtaan Kismaayo, kaasoo noqdo doona mid isku xira maamulka Jubba, shacabka gobolladaas ku nool iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, ayna ka heli doonaan wixii adeeg ah ee ay wasaaraddu qabato, iyagoo aan wixii ka dambeeya xilligaas u baahan doonin inay yimaadaan Muqdisho.

“Xafiiska cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka dhawaan ka furan doonto Kismaayo, wuxuuna shacabka deegaanada u sahli doonaa in wixii howl ama adeeg uga baahdaan uu u fuliyo, bedelkii ay Muqdisho u soo safri lahaayeen,” ayuu yiri Goodax.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in 13-ruux oo howl-wadeenno khibrad leh ah ay ka howlgeli doonaan xafiiska cusub ee Kismaayo, isagoo caddeeyay in sida ugu dhakhsiyaha badana ay xafiis uga furan doonaan gobollada Jubbada Dhexe iyo Gedo.

C/llaahi Goodax ayaa ugu baaqay maamulka Jubba inuu gacan ka geysto furitaanka xafiiska cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha ay ku yeelanayso magaalada Kismaayo iyo sidii uu u shaqo billaabi lahaa Kismaayo.

Shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka ee Kismaayo ka socda ayaa maalintii labaad galay maanta, iyadoo la filayo inay kasoo baxaan natiijooyin la xiriira sidii maamulka Jubba loo dhameystiri lahaa.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya