4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku dhintay Qarax ka dhacay Muqdisho

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex askari oo ka tirsan cidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax miino oo lagula eegtay maanta agagaarka warshaddii hore ee caanaha oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Afar askari oo kale ayaa ku dhaawacmay qarax, iyadoo qaraxan oo uu ahaa mid waddada dhinaceeda lagu aasay, iyadoo lala beegsaday gaariga oo ahaa mid uu qori ku rakibnaa.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan uuna waxyeello gaarsiiyay gaarigii ay ciidamadu wateen, iyadoo isla markiiba dhaawacyadii askarta loo qaaday isbitaalka Madiina.

Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay weerarkan miino mas’uul ka tahay ayaa haddana waxaa inta badan mara jidka uu qaraxu ka dhacay saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Waddadan ayaa ah tan loo maro wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ku taalla jidka warshadaha ee waqooyiga magaalada, iyadoo isla jidka kal hore qarax miino lagula eegtay taliyaha ciidamada xoogga dalka, balse uu ka badabaday weerarkaas oo ay sheegatay Al-shabaab.

Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa waxaa inta badan lagu eedeeyaan inay ka dambeyso Al-shabaab, inkastoo saraakiisha Milateriga Soomaaliya aysan weli ka hadlin qaraxa maanta lala eegtay askarta ee khasaaraha geystay.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya