4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 17, 2014
Qaramada Midoobay oo soo dhaweeyay Shirka ka furmay Magaalada Kismayo

Arbaco, September 17, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay shirka dib u heshiisiinta ee shalay ka furmay degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay ka qaybgalayaan ergooyin kala duwan.

Fatiha Serour oo ah ku xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa shirka dib-u-heshiisiinta ee ka socda Kismayo ayaa ku tilmaantay mid maadaama leh, isla markaana ah talaabo loo qaaday dhinaca  wanaagga , laguna adkaynayo nabadda gobolka, laguna horumarinayo Qarannimada Soomaaliya.

Shirkan oo uu shalay furay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in lagu horumariyo guulihii ka dhashay heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa bishii Agoosto ee sannadkii 2013-kii.

“Dadka iyo madaxda maamulka KMG ah ee Jubba waxay si cad u doonayaan nabad, shirkan dib-u-heshiisiintuna wuxuu ka turjumayaa rabitaankaas,” ayay tiri Fatiha. Sidoo kale waxay tiri. “Waxaan ku guubaabinayaa dhamaan ka qayb-galayaasha shirka inay abuuraan jawi u suurta gelinaya shirka inay kasoo baxaan qaraaro ay u wada-dhan yihiin.

Sidoo kale, dadka uu shirkan khuseeyo sida haweenka, dhalinta, odayaasha dhaqanka ayay ugu baaqday inay ka qayb-qaataan habka nabad soo celinta iyo Qaran dhisidda guud ee Soomaaliya.       

“Habkan dib-u-heshiisiinta ahi wuxuu kaloo muhiim u yahay sidii maamulka KMG-ka ah ee Jubba uu u samaysan lahaa qorsho-howleed uu kor ugu qaadayo awooddiisa wax-qabad. Waxaana loo baahan yahay in la gaaro guulo wax-tar leh si horay loogu mariyo habka maamul dhisidda Somalia,” ayay Fatiha hadalkeeda ku dartay.

Ugu dambeyn waxay u mahadcelisay dowladda Soomaaliya, hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe iyo maamulkiisa iyo ergooyinka kale eek a socday caalamka, sida IGAD, Jabaan, Midowgga Yurub, Turkiga iyo Talyaaniga kuwaas oo suuro-geliyay bay tiri inuu qabsoomo shirka dib-u-heshiisiinta ah.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya